Dawladda Shiinaha oo 1.5 Milyan ku wareejisay dawladda Somaliya si wax looga qabto dadka fataahada saameysay

Date:

Muqdisho(SNTV)-Dawladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah dawladda Soomaaliya gudoonsiisay lacag 1.5 miliyan dollar taasi oo looga gurmanayo dadka ay fataahadu ku saaamaysan dalka.

Wasiirka Arrimaha Debbada Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa ka gudoomiyey kaalmadan lacageed, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Qin Jian.

“Dawladda Shiinaha waxa ay gudoonsiinaysa Wasiirka Arrimaha Debbadda Soomaaliya lacag 1.5 milyan oo ah kaalmo beni’aadinimo oo aan doonayno wax looga qabto dadka fataahada ku saameeyey, Markii aan Warbaahinta ku arkay muuqaalada dadka fataahada saamaysay ayaan dawladayda gaarsiiyey xaaladda, waana tan jawaabta”, Safiirka Shiinaha Qin Jian ayaa sidaa yiri.

Safiirka ayaa xusay in dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ay leeyihiin saaxiibtinimo iyo walaaltinimo fog ayna ka go’an tahay ay laba laabaan taageerada ay siiyaan iyo kor u qaadaan iskaashiga labada dhinac.

Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha debbadda Soomaaliya ayaa uga mahad-naqay dawladda Shiinaha deeqda lacageed ee ay soo gaarsiisay,isagoo sheegay in dalabkii Madaxweynaha Jamhuuriyada iyo kan Ra’isul wasaarahaba ay si dhaqsi leh ay kaga soo jawaabeen.

Shiinaha ayaa Soomaaliya ka caabinaya dhinacyada mashaariiicda horumarineed, beni’aadinimada,iyo amniga, waxaana xiriirka labada dal uu bilowday December 14, 1960

By Black Cobra

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka 28-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Washington, DC: Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi...

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka...

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay 60 Khawaarij ah

WAR-SAXAAFADEED Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn...