Madaxweyne Farmaajo oo la kulmaya Amiirka Qatar

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay fiidkii gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan la qaato amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo iskaashi dhinacyo badan oo dhex mara Soomaaliya iyo Qatar.

Madaxweynaha ayaa hoteelka uu deggan yahay ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda Qatar Cabdiraxmaan Bin Jaasim Althani oo booqasho sharafeed ugu tagay madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho labo cisho ah ku jooga Qatar, waxaana safarkiisa ku wehliyoa wasiirrada Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Caafimaadka Fowsiyo Abiikar iyo Wasiiradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aways Jaamac.

Wasiirrada Madaxweynaha wehliya ayaa iyaguna kulammo la qaadan doona dhiggooda dalka Qatar, sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...