Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo Xafiisyo ka furatay Goldogob iyo Qardho

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Magaalooyinka Qardho iyo Goldogob oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Bari ayaa Maanta laga furay Labo Xafiis oo laga bixinaayo Baasaboorrada iyo Kaararka Aqoonsiga.

Maamullada Labada Degmo iyo madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha u qaabilsan Laanta Puntland ayaa si wada jir ah u furay Labadaan Xafiis oo loogu talagalay in loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Qardho iyo Goldogob.

Waa markii ugu horeysay tan iyo markii ay Soomaaliya xornimada qaadatatay Sanaddii1960-kii oo Xafiis laga bixiyo Baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga laga hirgeliyo Magaaloyinka Qardho iyo Goldogob.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa in dhawaalaba wadday dedaallo adeegyada socdaalka lagu gaarsiinaya Gobollada Dalka , iyadoo Xafiisyo noocaan oo kale ah ka hirgelisay qaar ka mid ah Magaalooyinka Dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeegyada xagga socdaalka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...