Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo Xafiisyo ka furatay Goldogob iyo Qardho

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Magaalooyinka Qardho iyo Goldogob oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Bari ayaa Maanta laga furay Labo Xafiis oo laga bixinaayo Baasaboorrada iyo Kaararka Aqoonsiga.

Maamullada Labada Degmo iyo madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha u qaabilsan Laanta Puntland ayaa si wada jir ah u furay Labadaan Xafiis oo loogu talagalay in loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Qardho iyo Goldogob.

Waa markii ugu horeysay tan iyo markii ay Soomaaliya xornimada qaadatatay Sanaddii1960-kii oo Xafiis laga bixiyo Baasaboorka iyo kaarka aqoonsiga laga hirgeliyo Magaaloyinka Qardho iyo Goldogob.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa in dhawaalaba wadday dedaallo adeegyada socdaalka lagu gaarsiinaya Gobollada Dalka , iyadoo Xafiisyo noocaan oo kale ah ka hirgelisay qaar ka mid ah Magaalooyinka Dalka, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeegyada xagga socdaalka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...