XEERKA TARTAN CILMIYEEDKA WARBAAHINTA QARANKA SOOMAALIYEED

Date:

XEERKA TARTAN CILMIYEEDKA WARBAAHINTA QARANKA SOOMAALIYEED

Radio Muqdisho iyo SNTV waxa ay si wadajir ah u billaabayaan Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay ka qeybgalayaan 30 degmo oo ka tirsan Gobollada dalka.

Barnaamijkan,  waxaa gabagabadiisa lagu bixin doonaa abaalmarin lacageed iyo koobab, waana sannadkii 6-aad oo aan Qabano tartankan, iyadoo sannadkii saddexaad oo xiriir ah uu maal-gelinayo maamulka gobolka Banaadir.

Tartan Cilmiyeedkan wuxuu si toos ah uga bixi doonaa Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Telefashinka Qaranka SNTV, halka akhristayaasheena ay ka daalacan karaan Webpage-ka radiomuqdisho.net iyo sntv.so

Qeybta hoose ka akhri Xeerka Tartanka.

XeerkaTartanka.

 

1-  Degmo kasta waa in ay ilaalisaa waqtiga tartanka.

  • Degmadu waa in ay xaqiijiso diyaar-garowgeeda tartanka maalin ka hor xilliga uu dhacayo.
  • Waa in ay tartamayaashu diyaar ku ahaadaan goobta iyo khadka ay barnaamijka uga qeyb galayaan ugu dambeyn 30 daqiiqo ka hor xilliga tartanka uu billaabanayo oo ah 9:30 Habeennimo.

2-    Degmadii maqnaata xilliga tartanka cudurdaar la’aan waxay la mid tahay iyadoo laga badiyay ama (Forfeit) dhibcaha ku weysay.

3-    Tartamayaasha waa in ay u tartamaan si asluubleh.

  • Kooxdii loo arko iney ku sifowday akhlaaq-darro, Guddiga tartanka ayaa go’aan ka qaadan doona.

4-    Degmadii akhlaaq wanaag muujisa waxay heli doontaa abaalmarin gaar ah.

5-    Tartamayaashii wax tabanaya waxay cabashadooda soo gudbinayaan inta tartanka lagu guda jiro, Ma jirto cabasho la dhageysan doono maalinta kale.

6-    Su’aalaha loogu talo galay tartanka habeen kasta waa 14 , tartame kastana waxaa la waydiinayaa 7 su’aal, waana la badin karaa haddii ay tartamayaashu kala adkaan waayaan.

7-    Tartame kasta waxaa su’aasha loogu celinayaa Saddex Jeer.

8-    Waqtiga su’aasha looga jawaabayo waa haldaqiiqo iyo bar ama (90 Second).

9-    Xilliga Jawaab bixinta, Tartamayaashawaxaa loo yeerayaa 3 jeer oo kaliya.

10-  Jawaab kasta oo dhammeystiran waxaa lagu helayaa labo dhibcood.

11-  Jawaab aan dhammeys-tirnayn laguma helayo wax dhibco ah.

12-  Haddii ay su’aashu soo dhaaftoTartamayaashii la waydiiyay waxaa si ka faa’iideysi ah loogu gudbinayaa kooxda kale.

13- Ka faa’iideysigu ma laha wax waqti ah iyo ku celin toona.

14- Haddii labada kooxoodba ka jawaabi waayaan su’aasha waxaa ka jawaabaya GuddigaTartanka.

15- Jawaabta la qaadanayo waa tan uu bixiyo afhayeenka tartamayaashu soo wakiishaan, khalad iyo sax wixii ay noqotaba.

16- Su’aalaha la waydiinayo tartamayaasha waxay noqon doonaan

Kuwo isu dhigma.

17-Waxaa mamnuuc ah in qof uu labo degmo u tartamo.

18-Haddii mid ka mid ah degmooyinka tartamaya uu telefoonku kago’o ama ay si ulakac ah u gooyaan ,

guddiga garsoorka tartanku waxa ay xaq u leeyihiin:

  • In ay su’aasha baddelaan.
  • In ay isla su’aashii waydiiyaan.
  • Qasab ma ahan in su’aashadambe la mid ahaato su’aashii hore.

18-  Natiijadarasmiga ah ee tartan kasta waa midka uu kudhawaaqo Guddiga marka tartanka la soo gabagabeeyo habeen kasta.

19- Tartamayaasha waa iney ku sugnaadaan gudaha degmada ay matalayaan.

  • Tartamihii lagu helo inuu meel kale ka tartamayo guddiga wuxuu xaq u leeyahay inuu ka saaro madasha tartanka.

20- Guddiga Tartanka wuxuu ka digayaa wixii anshax xumo ah ee tartanka wax u dhimaya, sida khishka, laaluusha iwm, Tartamayaashii lagu helo waxyaabahaas ama wax u dhigma Guddiga wuxuu ka qaadanayaa go’aan adag.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...