Alshabaab lagu laayay Hiiraan

Date:

In ka badan 15 ka mid ah maleeshiyada argagixisada ah ee Alshabaab ayaa lagu dilay dagaal iyaga iyo dadka deegaanka ku dhex maray gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka oo is abaabulay ayaa muddooyinkii la soo dhaafay dagaal kula jiray maleeshiyada Alshabaab oo ay khasaare xooggan u geysteen.

Goob joogeyaal ayaa noo xaqiijiyay in Alshabaab jab xooggan loogu geystay deegaano ka tirsan Hiiraan, gaar ahaan agagaarka Bulo Burte, halkaas oo maleeshiyaad badan looga dilay, gaadiidna looga gubay.

Waxaa sidoo kale khasaare ka soo gaaray kooxda argagixisada ah dagaal ka dhacay meel ku dhow Moqokori.

Alshabaab ayaa isku dayay xoolo baad ah ka qaataan dadka deegaanka, oo ka gadooday xad gudubyada iyo dhaca joogtada ah ee lagu hayo hantidooda.

Goobo dhowr ah oo ay Alshabaab dalka kaga harsan yihiin, ayay dadka deegaanku bilaabeen in ay dagaal hubeysan kala hor yimaadaan, ka dib markii ay garowsadeen in maleeshiyadan argagixisada ahi tahay midda nolosha iyo horumarka ka hor taagan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...