Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway oo billowday dhaqaale uruurin

Date:

Oslo-(SNTV)-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Norway ayaa billowday Dhaqaale uruurin loo sameynayo Dadkii ay dhibaatadu kasoo gaadhay fatahaadda Webiga Shabeelle, gaar ahaan Magalada Beled-weyne.

Kulan ay Jaaliyaddu ku yeelatay Magaalada Oslo ee Caasimadda Dalka Norwey ayaa lagaga dhawaaqay Guddi qaabbilsan gurmadka xaaladda Balad weyne, waxanay guddigan oo kaashanaya Masjidka Towfiiq ee Magaalada Oslo sheegeen in dhaqalaha la uruurinayo loo gaarsiin doono Dadkii loogu tala galay sida ugu habboon uguna dhaqsiyaha badan.

Deeq uruurintan oo imminka ka billaabatay Magaalada Oslo iyo gebi ahaanba Gobollada kale ee Dalka Norway, ayaa waxaa barbar socda wacyi gelinta Culimada si ay Dadka Soomaaliyeed ee Dalkaasi ku dhaqan ugu baraarugaan is kaalmaynta, waxaana lagu wadaa in howshani lasoo gabagabeeyo 19-ka Bishan May.

Dr ;Cali Maxamed Saalax, oo ah Imaamka Masjidka weyn ee Soomaalida Oslo, ayaa baaq u diray Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Norway, isagoo ka codsaday inay caawiyaan walaalahooda ku dhibaataysan Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Magaalada balad weyne.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la yeeshay madaxda Hay’adda SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta...

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...