Guddoomiyaha Gobolka oo uga warbixiyey Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare qorshe hawlleedka Maamulka Gobolka Benaadir

Date:

Muqdisho(SNTV):–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa shalay ugu warbixiyey Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Xiriirka Dawlad Goboleedyada ee Aqalka Sare, qorshe hawleedka Maamulka Gobolka.

Guddoomiyeha ayaa u soo bandhigay Guddiga warbixin guud oo ku saabsan waxqabadka Maamulka Gobolka Benaadir, isagoona si gaar ah diiradda ugu saaray arrimaha Amniga, siyaadda, bulshada, shaqooyinka Dawladaha Hoose iyo hannaanka maaliyadeed ee Gobolka.

Eng.Yarisow ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ka dhanka ah musuq-maasuqa ee la qaaday muddadii boqol casho ahayd ee uu xilka hayey, iyadoona sidoo kale la wadaagay Guddiga Arrimaha Gudaha ee Aqalka Sare falalka musuq maasuq ee laga hortagay iyo qorshayeesha lagu xaqiijinayo hufnaanta hannaanka maamul iyo maaliyadeed ee Gobolka Benaadir.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta laamaha ammaanka heer Federaal iyo Maamulka Gobolka Benaadir, isagoona tilmaamay in ay ka shaqeeyeen xoojinta kaalinta ay ku leeyihiin shacabka Gobolku sugidda ammaanka iyo la shaqeynta hay’adaha amniga.

Xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Xiriirka Dawlad Goboleedyada ee Aqalka Sare oo Guddomiye Yarisow su’aalo ka waydiiyey guud ahaan shaqooyinka Maamulka Gobolka iyo xiriirka kala dhaxeeya hay’adaha Dawladda ayaa ku bogaadiyey qorsheyaasha horumarineed iyo warbixinta uu ka siiyey qorshe hawleedka Maamulka Gobolka Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum C/raxmaan Yacquub

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shirweynaha Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed oo Maalintii labaad ka socda Muqdisho

Waxaa maalintii labaad Magaalada Muqdisho ka socda Shirweynaha Bahda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Pakistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...