Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar ku soo geba gebeysay Magalada Boosaaso

Date:

Boosaso(SNTV) -Tababarkan lagu baranayey sidii loo maarayn lahaa Xuduudaha Dalka iyo muhaajiriinta soo qulqulayaa oo 3 maalmood ka socday magaalada Boosaaso ayaa lasoo gabgabeeyey,waxaana ka faa’idaystay saraakiil socday Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ee ka hawlgala Garoomada Diyaaradaha,Dekedaha iyo xuduudaha Dhulka.

Waxaa Tababarkan oo ay  iska kaashadeen  laant Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Hay’adda Socdaalka Aduunka ee IOM  uu yahay  mid kor loogu qaadayo aqoonta saraakhiisha ka shaqeeya Xuduudaha  dalka ee kala ah Dhulka Cirka iyo Badda.

Agaasimaha laanta socdaalka iyo jinsiyada Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso  C/nuur Maxamed Jaansaar oo faahin kabixiyey tababarkan waxa uu sheegay intababarada noocan ah xooga lagu saarayo sidii saraakiisha loo bari lahaa qabashada dadka sida sharciyada dalka ay ku soo  galaan  ee kala ah Soomaalida iyo Ajaanibta.

“Waxaa lagu guuleystay in la soo celiyo sharaftii Baasboorka,dhinaca socdaalka waxaa lagu guuleystay in la qaato tababaro badan,si looga hortago dhagar qabayasha sida sharci darada ah ku soo galaya dalka,ha noqdo muwaadain Soomaali ah oo dhagar qabayasha kamid ah ama kuwa ajaanibta ah”.Ayuu yiri C/nuur.

Axmed Raage oo ah Taliye ku xigeenka hay’adda socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya ayaa sheegay in jamhuuriyada federaalka soomaaliya ay tababaradii dalka dibadiisa loo aadi jirey ayusoo weecisay degmooyinka dalka si muwaadiniinta magaalooyinkooda wax loogu baro.

“Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dhamaan inta ayay ku dhanyihiin,markii labaad waaye oo aan halkan tababara,marka hore waxaan ku qabanaya Garoowe bishii Febraayo,kana waxaan ku qabanaynaa halkan,ee halkii loo aadi lahaa dalka Dibadiisa hadda dowladda Soomaaliya waxaa ay fahmaysaa in lagu qabto gudaha dalka meeshii nabad ah”.Ayuu yiri Axmed Raage.

Duqa magaalada Boosaaso C/salaan Bashiir C/salaan iyo Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa laanta Socdalka iyo Jisiyadda Soomaaliya ku ammaanay dadaalada dheeriga ah oo ay ku bixinayso sidii loogu shaqeyn lahaa Umadda Soomaaliyeed,maadaama magaalooyinka waaweyn ee Dalka ay si isku mid ah  muwaadinintu baasa boor Soomaaliga iyo adeegyada kale uga qaataan.

Saraakiish tababarka qaatay ee ka socday Dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ayaa sheegay in ay tababarkan ku barteen aqoon iyo qibrad wanaagsan ayna  uga faa’iidayn doonaan dadka kunool  deegaanadii ay ka shaqaynayeen.

Ayaan C/qaadir Cali oo kasocotay Laanta Socdaalka Iyo jinsiyada xafiiska Degmada Dhoobley Ee gobolka jubbada Hoose ayaa sheegtay intababarkan uu yahay mid qiimo gaar ah u leh’ Sababta ayeyna Ku tilmaamtay in ay ka soctay dhanka xuduudaha Deegaankeeda looga baahanyahay sidii loo maarayn lahaa Muhaajiriinta xuduudka kasoo gelaya.

Tababarkan ayaa kamid noqonaya dedaalo  Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay ku doonayso in lahu tayeeyo shaqaalaha Dowladda ee ka shaqeeya Xaduudaha Dalka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...