Aqalka sare oo 50 kun oo dollar kaga qeyb qaadanayo gurmadka fatahaayada wabiyada Jubba & Shabelle

Date:

Muqdisho(SNTV); Xildhibaanada Golaha Aqalka sare oo maanta kullankoodii caadiga ahaa isugu yimid ayaa waxay kaga hadleen Fatahaada Wabiga Shabeelle iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay,iyagoona warbixin ka dhageystay Guddi ay u saareen taakuleynta dadka ku waxyeeloobay Fatahaada.

Kullanka maanta ayaa waxaa shir-guddoomiayay Guddoomiye ku xigeenka Koowaadย  ee Aqalka sareย  Abshir Maxamed Axmed โ€ Bukhaariโ€ waxa ayna Xildhibaanada Aqalka sare 50-kun oo doolar ugu deeqeen dadka ay saamaayeen fatahaadyada wabiyada Jubba iyo Shabeelle/

Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dheg-dheer,Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Aqalka sare, sidoo kale guddoomiya u ah Guddiga Gurmadka Fatahaada oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay xiriiro la sameeyeen madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyagoo ka xog wareystay halka ay mareyso Xaaladda dadka ay saamaayeenย  fatahaadyadaย  Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Sidoo kale, qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ayaa bogaadiyay qaabka loo maareynayoย  ย howlaha gurmadka loogu sameynayo dadka ay wax yeeleeyeen fatahaayada,waxaย  ayna ku baaqeen in la sii laba jibaaro dadaallada loogu gurmanayo dadka dhibaatada ka soo gaartay Fatahaada Wabiyadaย  Shabeelle iyo Jubba.

Ugu dambeyn, waxaa kullanka soo xiray Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Mudane Abshir Maxamed Axmed โ€ Bukhaariโ€ oo ku booriyay guud ahaan shacabka in loo midoobo sidii loo caawi lahaa dadkii ay saameeyeen fatahaadyada wabiyada Shabeelle & jubba.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...