Munaasabad lagu dhiiri gelinayey Horumarada Ciyaaraha kala duwan ee dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV)- Waxaa ka qeybgalay munaasabaddan lagu dhiirogelinayay horumarka dhanka ciyaaraha kala duwan oo ay Soomaaliya ku talaabsanayso mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomalaiya, oo ay ka mid yihiin Wasiiro, xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin katirsan xiriirka Olompikada Soomaaliyeed.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigayay suugaan ka tarjumaysa ahmiyadda ay bulshada u leedahay horumar laga sameeyo dhanka Ciyaaraha, iyadoo dhamaan madaxdii halkaasi ka hadashey ay siweyn u dhiirogeliyeen bahda Sportska Soomaaliya, iyagoo tusaale ahaan u soo qaatay xulka qaranka 17 jirada oo guulo taariikhi ah ka soo hooyay Ciyaarihii Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Oradyahanka Soomaaliyeed Cabdi Bile Cabdi oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheeeagy in loo baahanyahay in la raadiyo dadaal kasta oo lagu gaari karo guulo sports.

“Ineynu had iyo jeer ka fikirni sidii aan guul ku gaari laheyn, kana shaqeyno dariiqii loo mari lahaa arintaasi, aadbey ugu mahadsanyihiin wasaaradda Ciyaaraha iyo Bahda Sportiga sida ay u dadaalayaan”ayuu yiri Cabdi Bile Cabdi.

S/guud Bashiir Maxamed Jaamac taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo munaasabadaasi soo agaasimay ayaa faah faahiyay ujeedka ay ugu talagaleen.

“Waa inaan u hambalyeynaa dhalinyaradeena 17-sano jirada ah guushii ay soo hooyeen”ayuu yiri S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in Wasaaradu ay wado dejinta qorshe cad oo ku wajahan horumarinta Ciyaaraha Soomaaliya.

“Hadda waxaa gacanta lagu hayaa siyaasadda Qaran ee Sportiga Soomaaliyeed”ayey tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Soomaaliya ayaa u muuqata mid ku sii socota dhabihii horumarka Ciyaaraha si loola jaanqaado dunida inteedi kale,iyadoo taasina ay ku dareensiinayso guulihi ay soo hooyeen ciyaartoydii 17-sano jirada Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano),...

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...