Ra’iisul wasaare Khayre oo Istanbul Ganacsato kula kulmay (Sawirro)

Date:

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo uu wehliyo wasiirka Ganacsiga iy Warshadaha ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan kula qaatay Ganacsato Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wasiirkiisa Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)   kulanka ay magaalada Istanbul kula qaateen Ganacsatada Soomaliyeed ee ka qeyb-galay shirka maalgashiga Somali-Turkey Forum ee sannadlaha ah, kulanka waxaa joogey Safiirka Soomaaliya u fadhiyaha Turkiga.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhageystay isbaddellada Ganacsi ee ay hormuudka ka tahay wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ee ka jira dalka, Ganacsatada ayaa ku ammaanay Xukuumadda juhdiga ay galineyso horumarinta Dhaqaalaha dalka oo uu sal u yahay Ganacsiga iyo Maalgashiga, waxa ay codsadeen in lagu gacan siiyo sidii ay dalka u keeni lahaayeen shirkado  badan oo dhanka Hirgelinta Maalgashiga iyo isdhaafsiga Ganacsiyada kala duwan ka shaqeeya, si loo iibgeeyo suuqa Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warsahadaha Soomaaliya  Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa tilmaamay in Ganacsatadu ay Laf-dhabar u yihiin horumarka Soomaaliya ka jira, wasaarad ahaanna ay xil gaar ah iska saarayaan isku xirka Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka, qeybna uu ka yahay shirka Somali-Turkey Forum ee Istanbul ka dhacay.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ammaanay doorka wasaaradda Ganacsiga iyo isbaddelka muuqda ee mudada kooban la gaaray, waxa uu dhiirageliyey in si xowli ah loo ballaariyo Suuq-geynta fursadaha Ganacsi iyo Maalgashi ee Soomaaliya ka jira.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Ganacstada Soomaaliyeed  bixinta Canshuuraha iyo ka qeyb-galka Tubta horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey in Ganacsatadu ay si weyn uga qeyb-qaataan gurmadka gobollada ay saameyeen Fatahaadaha, una rajeeyey in ay Ganacsiga Soomaaliya la tartan siiyaan dunida horumartay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...