Guddoomiye Yarisow oo Daah Furay Barnaanijka Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Caasimadda

Date:

Muqdisho, 03 Maajo, 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta daah furay Barnaanijka Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Benaadir, ayaa sheegay ujeedka ugu weyn ee arrintan laga leeyahay in ay tahay shacabka talada in dib loogu celiyo.

Barnaamijkan ayaa waxaa dhinac socda qorshaha Isku xirka Maamulada Degmooyinka, Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka dalka, arrimaha lagu falan qeeyey kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa dowrarka iyo kaalinta Maamullada degmooyinka, hey’adaha amaanka iyo garsoorka Degmooyinka Gobolka Banaadir, Hoggaaminta suuban, Xalinta Khilaafaadka, sareynta sharciga iyo Dawladda wanaagga.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay muhiimada ay u leedahay bulshada iyo Dawladnimada Soomaaliya in la hello maamul hoos laga soo dhisey, si bulshadu ay iyagu go’aan uga gaarto cidda matalaysa.

“Si magaalada Muqdisho looga hirgeliyo dimuqoraadiyad hana-qaada looguna diyaar garoobo doorashooyinka 2020 dalka oo dhan ka dhici doona muwaadinkuna u helo fursad ah inuu wax doorto lana doorto, waxaan bilownay geeddigan oo leh habraac dhameystiran oo ku jirto wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo Garsoorka dalka”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Caasimadda ayaa tilmaamay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay shacabka ku nool Caasimadda in loo dhaweeyey maamulka, isla markaana arrintaas ay ka dhalatay kalsooni iyo wadashaqeyn buuxda. Waxuna xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in shacabku ay yeeshaan talada lagu hagayo deegaankooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...