Ciidan ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Jabuuti

Date:

Jabuuti(SNTV);- Sarreeye guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha Hoggaanka Baarista dambiyada ee C.I.D oo wakiil ka ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta tababar ugu soo xiray dalka Jabuuti Saraakiil iyo askar ka tirsan Booliska Soomaaliya, kuwaasi oo muddo seddex bilood ah dalkaan tababar ku qaatay.

General Kediye oo ku hadlayey Magaca Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa Dawladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Dawladda Talyaaniga uga mahad celiyey sida hagar la’aaneed ee tababarka ay u siiyeen Ciidaka maanta tababarka loo soo xiray.

Ciidanka Tabarka loo soo xiray ayaa goobta ku soo bandhigay waxyabihii la baray mudada uu tabarka u socday waxyaabihii ay soo bandhigeen waxaa kamid ahaa sida looga hortago rabshadaha xilliyada ay mudaaharaadyada ay socdaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeediyay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...