Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray shaqallaha dowlada iyo kuwa gaarka ah Mallinta shaqallaha Aduunka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo iyo bogaadin ku aaddan maalinta shaqaalaha adduunta u diray dhammaan Shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Waxaan hambalyo halkan uga dirayaa dhammaan shaqaalaha adduunka, gaar ahaan xoogsatada Soomaaliyeed munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka ee 1da May awgeed. Waxaan ku bogaadinayaa dhabar adayga iyo kartida aad muujiseen, idinka oo waliba ku shaqeynaya xaalado adag.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dadaaleyso horumarinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, isaga oo caddeeyay in Xukuumadda Federaalka ay haatan gacanta ku hayso shuruuc muhiim u ah dhawrista iyo daryeelka xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay ahmiyadda ay shaqaalaha Soomaaliyeed u leeyihiin kobcinta dhaqaalaha, sugidda amniga iyo ka qeyb qaadashada dadaallada loogu jiro dowlad dhisidda Soomaaliya, waxa uuna qiray in shaqaalaha Soomaaliyeed oo u badan dhallinyaro ay mudanyihiin ammaan maadaama ay lafdhabar u yihiin horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa faray shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay xil iska saaraan daryeelka iyo bad-qabka shaqaalahooda si loo hubiyo in aan la duudsiin xuquuqahooda aasaasiga ah.

“Waxaa kale oo muhiim ah in shaqaalaha Soomaaliyeed ay sameystaan iskaashatooyin iyo ururro u taagan difaaca xuquuqda shaqaalaha si looga hortago xadgudub kasta oo kasoo wajihi kara hay’adaha iyo shirkadaha ay ka hawl galaan”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...