Dhallinyaradda is abaabulay oo dhaqallo uruurin u sameyay dadkii ku wax yeelobay fatahaadaha wabiga shabelle

Date:

Kullan ay dhalinyarada isxilqaamayaasha Puntland oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan ku qabteen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxay kaga hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay Fatahaada Wabiga Shabeelle ka sameeyay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdirishiid  Ismaaciil Maxamed (Capitano) ,Qaar kamida maamulka iyo macalimiinta Jaamacadaha Puntland, waxgarad,Nabadoono iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxa ayna dhammaantood isku raaceen in si deg deg ah loogu gurmado Shacabka ay wax yeeleysay Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Dhalinyarada Is xilqaamayaasha Puntland oo kulanka ka hadlay wax ay fariin udireen dhaamaan ummada Soomaaliyeed, taasi oo ku aadan in loo istaago caawinta iyo garab istaaga dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadaha Puntland ayaa iyagana u mahadceliyay dhalinyarada Isxilqaamayaasha Puntland, iyagoona uga mahadceliyay sida ay marwalba ugu taagan yihiin u gurmashada ummada Soomaaliyeed waxayna dhankooda sheegeen inay garab istaagi doonaan walaalahooda dhibaateysan.

Dhanka kale taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdirishiid  Ismaaciil Maxamed (Capitano) ayaa isna waxa uu bogaadiyay dadaalka ay wadaan dhalinyarada Isxilqaamyaasha Puntland waxa uuna sheegay in ka ciidan ahaan ay diyaar uyihiin ka qeyb qaadashada gurmadka loogu gurmanayo dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

Ugu danbeyn waxaa kullanka ka hadlay Waxgaradkii iyo nabadoonadii ka qeybgalay munaasabadda, waxayna sheegeen inay dhankooda diyaar u yihiin ka qeybqaadashada gurmadka loo fidinayo dadka iyo duunyada ku waxyeeloobay fatahaada wabiga Shabeelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...