Gobolka Banaadir oo deeq gaarsiiyay barakacayaal ku dhaqan gudaha iyo daafaha Muqdisho.

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Mas’uulliyiin sare oo ka socday Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Shalay deeq ka kooban Agabka kala duwan gaarsiiyey qaar kamid ah xeryaha dhaca duleedka Caasimadda oo ay ku nool yihiin Boqolaal kamid ah Bulshada nugul ee soo barakacay.

Goobaha deeqda la gaarsiiyey waxaa kamid ah xerooyinka ku yaalla Degmada Kaxda iyo degaanka Garasbaaleey, halkaas oo loogu qeybiyey Agab ay uga gaashaantaan Roobabka iyo qabowga dhacaya, maadaama lagu jiro xili roobaad.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir Marwo Basmo Caamir Axmed, ayaa sheegtay in barakacayaasha ku nool daafaha iyo Gudaha Caasimaddu u baahan yihiin jawaab deeqsinimo leh iyo gurmad wax ku ool ah oo ku soo aada waqtiga loo baahan yahay.

Mss; Basmo waxay ka codsatay dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah inay u soo gurmadaan barakacayaasha maadaama kuwo badan oo ayaga ka mid ah ay khatar ku jirto noloshooda, iyadoo raacisay inay dadkan ku qaadan doonto muddo fog si ay dib ugu kabsadaan haddii aysan helin gargaar.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa billaabay olole wax looga qabanayo xaaladaha nololeed ee barakacayaasha, iyadoo qorshuhu yahay in gurmadka ka sakow la sameeyo dib-u-dajin iyo degaameyn.

Abaaraha soo noq-noqday ee ka jira degaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah ayaa sababay barakac baahsan, maaddaama in badan oo ka mid ah Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed iyo Beeralayba ay waayeen Duunyadii iyo dalaggii ay noloshoodu ku tiirsanayd.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...