Gobolka Banaadir oo deeq gaarsiiyay barakacayaal ku dhaqan gudaha iyo daafaha Muqdisho.

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Mas’uulliyiin sare oo ka socday Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Shalay deeq ka kooban Agabka kala duwan gaarsiiyey qaar kamid ah xeryaha dhaca duleedka Caasimadda oo ay ku nool yihiin Boqolaal kamid ah Bulshada nugul ee soo barakacay.

Goobaha deeqda la gaarsiiyey waxaa kamid ah xerooyinka ku yaalla Degmada Kaxda iyo degaanka Garasbaaleey, halkaas oo loogu qeybiyey Agab ay uga gaashaantaan Roobabka iyo qabowga dhacaya, maadaama lagu jiro xili roobaad.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir Marwo Basmo Caamir Axmed, ayaa sheegtay in barakacayaasha ku nool daafaha iyo Gudaha Caasimaddu u baahan yihiin jawaab deeqsinimo leh iyo gurmad wax ku ool ah oo ku soo aada waqtiga loo baahan yahay.

Mss; Basmo waxay ka codsatay dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah inay u soo gurmadaan barakacayaasha maadaama kuwo badan oo ayaga ka mid ah ay khatar ku jirto noloshooda, iyadoo raacisay inay dadkan ku qaadan doonto muddo fog si ay dib ugu kabsadaan haddii aysan helin gargaar.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa billaabay olole wax looga qabanayo xaaladaha nololeed ee barakacayaasha, iyadoo qorshuhu yahay in gurmadka ka sakow la sameeyo dib-u-dajin iyo degaameyn.

Abaaraha soo noq-noqday ee ka jira degaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah ayaa sababay barakac baahsan, maaddaama in badan oo ka mid ah Xoolo dhaqatada Soomaaliyeed iyo Beeralayba ay waayeen Duunyadii iyo dalaggii ay noloshoodu ku tiirsanayd.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...