Date:

Suudaan(SNTV) Magaalada Khaartuum ee xarunta Dalka Suudaan ayaa lagu qabtay munaasbaada ballaaran oo tababar loogu soo xirayay dhalinyaro Leyli tababara Leyli Saraakiil ah in muddo ah lagu barayay Dalkaasi Suudaan.

Waxaa ka qeybgalay munaasabadaasi madaxweynaah Dalka Suudaan Cuymar Xasan Albshiir,kumanaan Soomaalida kunool Dalkaasi Suudaan iyo madax kale.

Saraakiisha dhalinyarada ah ayaa dalka suudaan wax ku baranayaya muddo ku siman 2 sano,iyagoo bartay sharciga iyo Qaanuunka.

Cumar Xasan Axmed oo kamid ah saraakiishaasi tababarka loo soo xiray ayaa galay kaalinta koowaad ee mudadii uu socday tababarkaasi,iyadoo madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Albashiir uu bilada sharaf guddoonsiyay guuleystaha kaalinta koowaad galay ee Omar Hassan Ahmed.

Wuxuu Cumar Xasan Axmed hormuud ka ahaa salaam sharaftii halkaasi lagu siiyay madaxweyne Cumar Xasan Albshiir,iyadoo uu madaxweynuhu ku aaanay dhalinyaradaasi xirfadaha ay barteen,iyo tayadooda wanaagsan.

Tababarka dadka la siinayay ayaa isugu jiray Soomaali,Suudaan,iyo Urdun,iyadoo uu Cumar Xasan Axmed kaalinta koowaad ka galay

Waxaa lafilayaa in ay dhawaan dalka dib ugu soo laabtaan,si ay u gutaan waajibaadkoodi Qaran ee ah in ay u adeegaan Shacabkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...

UNHCR oo walaac ka muujisay sharciga magangalyo-doonka Giriigga

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii...