Shir ku saabsan amniga Soomaaliya oo lagu qabtay Garoowe/

Date:

Garoowe-(SNTV)-Waxaa Magaalada Garoowe Shalay ka furmay  shirka amniga Dowlada Federaalka iy maamul Goboleedyada Dalka, kaas oo looga hadlay xaalada ammaanka ee Dalka guud ahaa iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha nabad gelyada.

Kulankan ayaa sidoo kale laysku weydaarsanayay aragtiyo ku aaddan sida looga gudbi karo caqabadaha ka jira dhanka ammaanka iyo sidii guul kama dambays ah looga gaari lahaa Kooxaha liddiga ku ah nabad gelyada Dalka ee ay ugu horreeyaan Al-Shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale waxaa Shirkan lagu falanqeeyay tayaynta iyo dibu dhiska hay ‘adaha ammaanka, tiro koobka Ciidanka Booliiska Soomaaliyed,  wada shaqaynta Wasaaradaha amniga ee heer maamul Goboleed iyo heer Federaal  Iyo xoojita Ciidamada Dalka ee ka howl-gala Gobollada iyo qodobbo kale oo xal u ah sidii nabad waarta loo gaadhsiin lahaa Soomaaliya.

Wasiirku xigeenka Wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya C/naasir Siciid Muuse, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dedaallo dheeri ah ku bixinayso sidii loodardar gelin lahaa qorshaha dib u dhiska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo maamulladana laga doonayo iney fududeeyaan taabba gelinta Ciidankan, kaas oo ka shaqayn doona sugidda amniga Dalka oo idil.

“Shirkan muhiimaddiisu waa inaan helnaa Ciidan Boliis ah oo Soomaaliyeed, oo ay dhammaystiran yihiin Agabkii ay u baahnaayeen, ayuu yiri wasiir ku xigeenku”.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland, C/xakiin C/laahi Cumar , ayaa sheegay inuu amniga Soomaaliya ku hagaagi karo in maamullada Dalka ka jira lagala shaqeeyo sugiidda nabad gelyada iskaashi buuxana ay ka wada yeeshaan Dowladda dhexe.

Wasiirka amniga puntland Axmed C/lahi Yuusuf, ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyadu ay si wada jira ah uga shaqayn doonaan sidii loos oo Afjari lahaa kooxaha cadawga ku ah nabad gelyada Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka JFS ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

Duqa Muqdisho oo kormeer shaqo ku tagay Xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hodan oo ku soo baxday tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga Afar dhamaadka oo la sameeyay

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin oo dil toogasho ah lagu xukumay

Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, ayaa lagu edeeyay dilka...