Waa tallaabo lagu hubinayo tirada iyo tayada Shaqaalaha.

Date:

Muqdisho (SNTV)-Waxaa haatan bilowday Barnaamij lagu tira koobayo shaqaalaha dowladda, kaasi oo ah mid xukuumadda Soomaaliya ay ku doonayso inay ku tirikoobto islmarkaana ay ku tayeyso shaqaalaha oo laf dhabar u ah adeegyadda ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed, waxaa kaloo uu ku saleysan yahay Hubinta tiradda, tayadda iyo aqoonta shaqaalaha, iyadoo uu barnaamijku tiro koobayo shaqaalaha dowladda Soomaaliya, taasi oo fududaynaysa in shaqaalahu ay helaan tababaro iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Barnaamijkaaan lagu tira koobayo shaqaalaha dowladda federaallku ayaa ku kooban oo kaliya shaqaalaha u shaqeeya dowladda federaalka ee ka howlgala magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka.

Haddaba Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda,, kaasi oo looga dan leeyahay in la helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha, waxaana ka soo qayb galay xubno ka socday golaha Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha iyo shaqaalaha dawliga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in shaqaalaha Rayidka ah ay aasaas u yihiin nidaamka dawliga ah ee dalka, lagamana maarmaan ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Shaqaalaha, si loo gaaro hadafyadda dawladdu uu hogaaminayo Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xukuumaduna ay fulinayso.

“ In la tirakooba shaqaalaha waxay inoo suurta galin in la helo tirada iyo tayada aan haysano inta ay la egtahay, in aan u diyaar garowno sidii loo dhisi lahaa tayada loo baahan yahay, in aan u diyaarino shaqaalaha rayidka ah sidii ay ula falgali lahaayeen aduunyadda iyo in aan nahay dawladd ka dhabaysay isla xisaabtanka”
“Mushaarka ay bixiso dawladdu waxaa laga soo qaadaa shacabka Soomaaliyeed oo ugu tala galay in ay ku caawiyaan dawladoodda. Marka waa in loogu qabataa adeegyada ay rabaan qof walbana uu mas’uuliyad iska saaraa shaqadiisa, si aannan ugu tuman xaquuqada shacabka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in howshan tirakoob ay ka mid tahay shaqada laga wado dalka, taas oo Madaxwaynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya uu haatan u jooga Wasaaradda Gaashaandhiga, sidii si loo heli lahaa tirada saxda ah ee ciidanka xooga dalka, ka dibna loo siin lahaa tababarada ay u baahan yihiin.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay shirkii ka dhacay magaalada Washington oo uu ka qeyb galay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, kaasi oo la isku raacay in Soomaaliya ay soo gaartay meel wanaagsan oo aduunyada ay u riyaaqday.

Sidoo kale,Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in mas’uuliyiintii Hey’adda Lacagta aduunka iyo Bankiga dhexe ee magaalada Washington uu kula kulmay Wasiirka Maaliyadda isku afgarteen in Soomaaliya loo yagleelo lacagta Shilin Soomaaliga ah, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri” Waxaa la isku raacay in Bankiga adduunka iyo dalalka dunida qaarkood sida Midowga Yurub bilaabi doonaan in Malaayiin dollar ugu deeqaan Soomaaliya, Akoonka Dowladdana lagu soo shubi doono.”

Masuuliyiinta ka hadlay goobtaasi lagu daahfurayay Barnaamijka Tirikoobka Shaqaalaha Dowladda ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac, isagoo cadeeyay in la tayeyn doono shaqaalaha rayidka ah, wuxuuna xusay in dib loo howl geli doono mac’hadkii SIDAM inta laga gaarayaana shaqaalaha dawladdu ay tababaro ku qaadan doonaan Jaamacadda umadda Soomaaliyeed, si looga maarmo tababaradii dibadda loogu qaadi jiray shaqaalaha.

Madashaasi waxa kaloo ka hadlay Hanti dhowraha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha guddiga shaqaalaha rayidka dowladda ayaa sharaxay ahmiyadda ay shaqaalaha u leedahay tira koobkaan lagu samaynayo.

Barnaamijkaaan lagu tira koobayo shaqaalaha dowladda ayaa ah mid xukuumadda Soomaaliya ay ku doonayso in la hubiyo tirada Shaqaalaha Dowladda, markaa kadibna loo tayeyn lahaa shaqaalaha oo laf dhabar u ah adeegyadda ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed, waana barnaamij aad loogu baahnaa, waayo waxaa meesha ka baxay dad aan soo xaadirin Goobaha Shaqada oo Lacagta iska qaata, sidaasi awgeed Waa tallaabo haboon oo lagu hubinyao tirada iyo tayada Shaqaalaha.

W.Q: C/llahi Ruush

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...