Wasiirka Cadalaadda oo hortagay Mudanayaasha Aqaalka Sare

Date:

Xildhibanada Golaha Aqalka sare oo maanta yeeshay kalafadhigii 3-aad kullankiisa 7-aad ayaa waxay akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa ka dhageysteen Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen oo hortagay, waxaana Kullanka maanta ee Golaha Aqalka sare shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa ka hor akhriyay Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in xeerkaan uu soo bilowday sanadkii 2014-kii.

isagoona cadeeyay in muhiim u yahay sharcigan sidii loola dagaalami lahaa masuq maasuq iyo adkeynta tallaabooyinka lagu joojinayo lagu lana dagaalamayo Masuq-maasuqa ka dhaca Qaranka gudihiisa ama dibadiisa.

Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa loo qeybiyay nuqul ka mid ah sharciga la dagaalanka Masuq-maasuq si ay u soo mariyaan akhrinta koowaad ka dibna ay u ansixiyaan.

Xeerkaan oo horay u soo maray Xildhibaanada Golaha Shacabka una soo saxiixeen ayaa hadda wuxuu horyaalaa Golaha Aqalka sare si ay iyagana waajibaadkooda dastuuriga ah uga guttaan.

Sharciga la dagaallanka Masuq-maasuqa ayaa haddii uu hirgelo wuxuu suurta gelinayaa  dhismaha Guddiga Madax-bannaan ee la dagaallanka Masuq- maasuqa sida waafaqsan dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale Xeerkani ayaa muhiimadiisu waxay tahay la xisaabtanka iyo habsami u Maamulka howsha Qaranka,iyadoo la ilaalinayo danta dadweynaha Soomaaliyeed iyo Hantida Ummadda oo laga dhowro boob iyo ku takrifalka sharci-darada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...