Jabuuti oo kaalimaha hore ka gashay dalxiiska Dunida.

Date:

Dalka jabuuti ayaa kaalimaha hore ka galay Dalxiiska Caalamka, ka dib markii uu Golaha midowga Yurub u qaabbilsan dalxiiska iyo ganacsiga ay Magaalada Jabuuti u aqoonsadeen caasimadda dhaqanka iyo dalxiiska ee Sanadkan 2018-ka.

Guddigan ayaa sidoo kale waxay sheegeen in Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle, uu yahay hoggaamiyaha Sanadkan ee dhanka dalxiiska, maaddaama uu isagu lahaa fekerka kobcinta dalxiiska ee Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka mahad celiyay qiimaynta ay sameeyeen Midowga Yurub iyo kaalinta uu Dalkiisu kaga jiro dalxiiska Dunida.

“Dalxiisku dhaqaalaha waddanku meel weyn buu kaga jiraa sida la moodayo maaha wuu ka fiican yahay, wuuna ka faa’iido badan yahay, Dad idil ayuu howl iyo shaqa siiyaa, ayuu yiri Mr;Geelle.

Madaxweyne Geelle ayaa intaa ku daray in waxa ay Jabuuti hayso ay ka weyn yihiin Hoteelle,Bad iyo goobo qurux badan oo loo tamashle tago oo qura balse ay intaa dhaafsiisan tahay.

“Waxaannu leennahay Badda meesha ugu hooseyso Afrika annaga weeye, waxaannu leennahay wax ayan waddamada kale lahayn, sidaa daraaddeed waa inaynu ilaashanno, ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Midowga Yurub ayaa gabagabdii abaal marinno guddoonsiiyay Madaxweyne Geelle, taasoo la sheegay inuu ku mutaystay doorka uu Dalkiisa kaga jiro dalxiiska caalamiga ah.

Waddanka Jabuuti ayaa Sanadihii u dambeeyay ahaa mid samaynaya koboc xagga dhaqaalaha, ganacsiga iyo dalxiiska, waxaana halkaasi maalgashiyo kala duwan ku samaystay Dowlado iyo ganacsato kala duwan.

Isha/ VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...