Jabuuti oo kaalimaha hore ka gashay dalxiiska Dunida.

Date:

Dalka jabuuti ayaa kaalimaha hore ka galay Dalxiiska Caalamka, ka dib markii uu Golaha midowga Yurub u qaabbilsan dalxiiska iyo ganacsiga ay Magaalada Jabuuti u aqoonsadeen caasimadda dhaqanka iyo dalxiiska ee Sanadkan 2018-ka.

Guddigan ayaa sidoo kale waxay sheegeen in Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle, uu yahay hoggaamiyaha Sanadkan ee dhanka dalxiiska, maaddaama uu isagu lahaa fekerka kobcinta dalxiiska ee Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka mahad celiyay qiimaynta ay sameeyeen Midowga Yurub iyo kaalinta uu Dalkiisu kaga jiro dalxiiska Dunida.

“Dalxiisku dhaqaalaha waddanku meel weyn buu kaga jiraa sida la moodayo maaha wuu ka fiican yahay, wuuna ka faa’iido badan yahay, Dad idil ayuu howl iyo shaqa siiyaa, ayuu yiri Mr;Geelle.

Madaxweyne Geelle ayaa intaa ku daray in waxa ay Jabuuti hayso ay ka weyn yihiin Hoteelle,Bad iyo goobo qurux badan oo loo tamashle tago oo qura balse ay intaa dhaafsiisan tahay.

“Waxaannu leennahay Badda meesha ugu hooseyso Afrika annaga weeye, waxaannu leennahay wax ayan waddamada kale lahayn, sidaa daraaddeed waa inaynu ilaashanno, ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Midowga Yurub ayaa gabagabdii abaal marinno guddoonsiiyay Madaxweyne Geelle, taasoo la sheegay inuu ku mutaystay doorka uu Dalkiisa kaga jiro dalxiiska caalamiga ah.

Waddanka Jabuuti ayaa Sanadihii u dambeeyay ahaa mid samaynaya koboc xagga dhaqaalaha, ganacsiga iyo dalxiiska, waxaana halkaasi maalgashiyo kala duwan ku samaystay Dowlado iyo ganacsato kala duwan.

Isha/ VOA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...