Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka qeyb galay Shir weyne u dhaxeeyey Talisyada Ciidanka Africa iyo Mareykanka.

Date:

Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyey shir weyne socday muddo seddex maalin ah, kaasi oo u dhaxeeyey Talisyadda Ciidanka difaaca Qaaradda Africa iyo Dawladda Mareykanka, waxaana Soomaaliya shirkaasi uga qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod.

Shirka, ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay Xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Talisyadaasi, siddii ay isku dhaafsan lahaayeen qibradaha, tababarada dhanka ciidanka  iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa  kulmo gooni gooni ah waxa uu la yeeshay Madax ay ka mid yihiin Kaaliye ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee u qaabilsan Africa Ambassador Stephanie S. Sullivan iyo taliye ku xiggeenka Taliska Mareykanka ee Africom.

Madaxda labada dhinac, ayaa  kawada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen Taageeridda Ciidamada Xoogga Dalka,  kordhinta Dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Alshabaab, siddii looga Caawin lahaa dawladda Soomaaliya Dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wanaajinta Xiriirka Milatary ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...