Kooxo hubeysan oo Ganacsato Soomaaliyeed ku dilay Koonfur Afrika.

Date:

Kooxo burcad ah oo aan heybtooda la garaneyn ayaa xalay weerar ku qaaday goob Ganacsi oo ay muwaadiniin Soomaaliyeed ku lahaayeen dalka Koonfur Africa,waxayna weerarkaasi ku dileen hal ruux halka saddex kale ay ku dhaawaceen.

Weeraradaan oo ahaaa kuwa siyaabo kala duwan ay u qaadeen kooxda burcadda ayaa waxaa ay ka kala dhaceen xaafadaha kala ah Oronjo Farm ee hoos timaada magaalada Johannesburg iyo magaalada Pretoria ee caasimadda dalka Koonfur Afrika.

Calas Axmed Xasan oo dhacdada koowaad gooob joog u ahaa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in kooxda soo weerartay ay ahaayeen ilaa afar ruux oo hubeysan kuwaasi oo marka ay goobta ganacsiga soo galeen xabado ku dhuftay marxuumka geeriyooday, kadibna ay dhaawac iyo jirdilo u geystay laba ruux oo kale ayaga oo markaasi ka dibna ka qaatay lacago iyo kaararka teleefanada lagu shubto.

Alle ha u naxariisteen Maxamed waxaa uu noqonayaa muwaadinkii labaad ee Soomaali ah oo lagu dilo goobtiisa Ganacsiga todobaadkaan gudihiisa,sida ay sheegeen dhalinyarada Ganacsiga ku heysata xaafada uu weerarka ka dhacay.

Arrintaan ayaa noqoneysa mid wallaac ku abuurta Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Africa gaar ahaan dhalinyarada ku ganacsatada Xaafadda Oronjo Farm ee hoos timaada magaalada Johannesburg.

Gudoomiyaha dhalinyarada Soomaalida e dalkaan Koonfur Afrika Maxamed Cumar talyaani ayaa sheegay in todoabaadkaan gudahiiisa dalka Koonfur Africa lagu dilay laba ruux oo Soomaali ah ayadoo tirada dhaawacana ay gaareyso ilaa iyo lix ruux oo Soomaali ah.

Ciidamada Police-ka ayaa tagay goobaha falalkaan ay ka dhaceen waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baritaano la xariira sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxahii falalkaan ka dambeeyay.

By C/laahi Maxamuud Amiin.

C/laahi Qorshe

Johannesburg-South Africa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...