kulan wadatashi ah logana arinsanaayo hanaanka dhameystirka dastuurka jamuuriyada soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Date:

Kulankan wadatashiga ee madasha dastuurka ee baarlamaanada heer federal iyo heer dowlad gobleed ayaa waxaa ku sugnaa gudoomiyaha golaha aqalka sare,gudoomiyayaasha barlamaanada dowlad goboleedyada, gudiyada dastuurka heer federal iyo dowlad goboleed,gudiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka ,

Madasha waxaa furay Gudoomiyaha golaha aqalka sare baarlamaanka fedraalka soomaaliya mudane cabdi xaashi cabdulaahi ayaa sheegay in arinta loo fadhiyo mudada labada maalmood ee dib u eegista dastuurka ay tahay arin muhiim ah ,,

Aad ayaan ugu faraxsanahay madasha dib u eegista dastuurka ee aad u fadhidaan waxaana haboon in la dhamaystiro dastuurka oo ilaa iyo dhowr iyo toban sano socday ,,

Senatar cabdi xasan cawaale qaybdiid gudoomiyaha gudiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta dastuurka ayaa faah faahin ka bixiyay heerarkii kala duwanaa ee dastuurka uu soo maray.

Maxamed daahir afrax gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee dastuurka ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay oo baarlamaanada heer federal iyo heer dowlad goboleed iyo gudoonadooda ay wax iska weydiiyaan arimaha dastuurka.

Gudoonada  baarlamaanada dowlad goboleedyada ayaa gudiyada datuurka iyo wasaarada dastuurka in ay dadajiyaan dastuurka ayna gacan ka siin doonaan sida waajibaadkooda ay u gudan lahaayeen.

Kulankan wadatashiga ee madasha dastuurka ee baarlamaanada heer federal iyo heer dowlad gobleed ayaa waxa uu soconayaa mudo laba maalmood ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC)...

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...