Raa’iisulwasaare ku xigeenka xukumada soomaaliya oo kormeeray wasaarada macdanta iyo batroolka

Date:

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Avv. Mahdi Mohamed Gulleid Khadar ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaraddaasi Md Cabdirashiid Mohamed Ahmed oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenkiisa Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaana Ra’iisalwasaare ku xigeenka kusoo dhoweeyay Xarunta Wasaaradaasi.

R/w ku xigeenka ayaana kulan saxaafaddu dibad joog ka tahay oo ujeedkiisu yahay isla xisaabtanka shaqadda qaranka la yeeshay Wasiirka, Wasiir ku xigeenka iyo Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda Macdanta iyo Baatroolka ee Soomaaliya.

Markii kulankaasi soo dhamaaday waxaa uu R/w ku xigeenka Soomaaliya Md Khadar ayaa soo arkay sida shaqaalaha Wasaaradaasi ugu adeegayaan shacabka waxaanna uu mid mid isu dul taagay xafiisyadda ay ka kooban tahay Wasaaraddu.

Intaa kadib R/w ku xigeenka Dawladda Federaalka ah oo ay weheliyaan Wasiirka Macdanta iyo Batroolka iyo ku xigeenkiisa ayaa kormeer ku tegey Haamaha Kaydka Shidaalka ee Muqdisho, Maareeyaha Haamaha kaydka shidaalka ayaana R/w xigeenka iyo Wasiiradda warbixin ka siiyay shaqadda ay hayaan.

Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka Md Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa Saxaafadda la hadlay markii kormeerku soo dhamaaday.

”Dardargelinta iyo dhamaystirka Qorshayaasha horyaala Wasaaradda ayay tani qayb ka tahay, Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalkuna waxa uu kormeerkiisan shaqo kasoo bilaabay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka si uu xog uga helo hanaanka ay shaqaddu u socoto, Wuxuunna warbixino ka dhegaystay Shaqaalaha Wasaaradda.

Sidoo kale R/w ku xigeenka Waxaa warbixin ka siinay qorshayaasha shaqo ee Wasaaradda horyaala oo uu ka mid yahay Hindise sharciyeedka Shidaalka ee horyaala Golaha shacabka & sidoo looga shaqayn lahaa in Barlamaanku ay meel mariyaan.

Waxa kale oo uu R/w Ku xigeenku kormeerkiisa kusoo maray Haamaha kaydka Shidaalka.” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka ee Soomaaliya Md Maxamuud Cabdi Hilaal.

AA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo...

Danjiraha Soomaaliya ee Geneva oo Ka Qaybgalaya Doodaha Heerka Sare ee Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay...