Qoysaska Barakacyaasha ee ku nool degmada Doloow oo helay xarumo waxbarasho

Date:

Dugsiyada waxbarashada ee Degmadda Dolow soomaaliya ayaa intooda badan waxaa wax ku barta Arday ka soo jeeda Qoysas Danyar ah oo isugu jira kuwo ka soo barakacay gudaha iyo qaar ka mida ah Qaxootigii ka soo laabtay Dalalka Kenya iyo Ethopia oo aanan awoodin in ay Caruurtooda ka bixiyaan waxbarashada.

Dugsiyadan oo ah kuwa H/dhexe ayaa Caruurta lagu siiyaa Raashin Bisil oo ay ugu deeqday Hay’ada Cuntada Aduunka ee WFP si Ardadu aysan uga tegin Waxbarashada maadaama ay ka soo jeedaan Qoysas Danyar ah.

Nuur aadan Xasan waa Agoon SHAN IYO TOBAN jir ah kana yimiad meel u jir Degmada Doolow 130km waxaana u sharaxay warbaahinta qaranka Sababta keentay degaanka uu had ku sugan yahay yimaado in ay tahay si uu u helo waxbarasho.

‘Deeqo Abshir waa macalimad dhinaca Farshaxanka ah una shaqaysa Hay’ada WFP waxayna ardada ka caawisaaneysaa arimaha Sawir gacmeedka Qurinta farta soomaliga waxa ay sheegtay in carrurtaan u baahanyihiin in laga taakuleyo aqoonta maadiga ah.

Cabdi Cismaan Dhakad iyo Axmed Daahir Xasan oo ah Maamulayaasha Dudsiyadda H/dhexe Qansaxley iyo Kabaase ayaa labadooda wax ay Xaalada Waxbarashada ee Doolow ku tilmaamay mid wanaagsan oo wax badan ka caawisay dadka danyarta ah ee halkaasi ku nool.

Cabdullahi Xuseen Sheekh oo ka tirsan Masuuliyiinta WFP ahna u qaybsanaha arimaha Cuntada ardada loogu siiyo Dugsiyada ayaa tilmaamaya Fa’iidada ay u leedahay carrurtaan in ay tahay in carruurta ay helaan cunno nafaqeysan si waxbarashada ay uga noqon mid ay ka soo habsamaan oo xarunta waxbarashada ay ka helaan cunno bisil.

Degmadda Doloow Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay Deegaanada ugu badan ee ay ku soo barakaceen Dadka ka soo cararey Dagaalada iyo Abaaraha ka dhacay gobollo ka mida soomaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS “Dastuurka dhaqangalkiisa waa bilowday, dhowaana waa la kala sarayaa Baarlamaanka iyo XFS.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO XARIGGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...