Raa’iisulwasaare ku xigeenka xukumada soomaaliya oo kormeeray wasaarada macdanta iyo batroolka

Date:

Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Avv. Mahdi Mohamed Gulleid Khadar ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaraddaasi Md Cabdirashiid Mohamed Ahmed oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenkiisa Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaana Ra’iisalwasaare ku xigeenka kusoo dhoweeyay Xarunta Wasaaradaasi.

R/w ku xigeenka ayaana kulan saxaafaddu dibad joog ka tahay oo ujeedkiisu yahay isla xisaabtanka shaqadda qaranka la yeeshay Wasiirka, Wasiir ku xigeenka iyo Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda Macdanta iyo Baatroolka ee Soomaaliya.

Markii kulankaasi soo dhamaaday waxaa uu R/w ku xigeenka Soomaaliya Md Khadar ayaa soo arkay sida shaqaalaha Wasaaradaasi ugu adeegayaan shacabka waxaanna uu mid mid isu dul taagay xafiisyadda ay ka kooban tahay Wasaaraddu.

Intaa kadib R/w ku xigeenka Dawladda Federaalka ah oo ay weheliyaan Wasiirka Macdanta iyo Batroolka iyo ku xigeenkiisa ayaa kormeer ku tegey Haamaha Kaydka Shidaalka ee Muqdisho, Maareeyaha Haamaha kaydka shidaalka ayaana R/w xigeenka iyo Wasiiradda warbixin ka siiyay shaqadda ay hayaan.

Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka Md Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa Saxaafadda la hadlay markii kormeerku soo dhamaaday.

”Dardargelinta iyo dhamaystirka Qorshayaasha horyaala Wasaaradda ayay tani qayb ka tahay, Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalkuna waxa uu kormeerkiisan shaqo kasoo bilaabay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka si uu xog uga helo hanaanka ay shaqaddu u socoto, Wuxuunna warbixino ka dhegaystay Shaqaalaha Wasaaradda.

Sidoo kale R/w ku xigeenka Waxaa warbixin ka siinay qorshayaasha shaqo ee Wasaaradda horyaala oo uu ka mid yahay Hindise sharciyeedka Shidaalka ee horyaala Golaha shacabka & sidoo looga shaqayn lahaa in Barlamaanku ay meel mariyaan.

Waxa kale oo uu R/w Ku xigeenku kormeerkiisa kusoo maray Haamaha kaydka Shidaalka.” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka ee Soomaaliya Md Maxamuud Cabdi Hilaal.

AA

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...