Culumada Sufiyiinta Caalamka oo casho sharaf logu sameyay Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa sheegay in marti gelinta shirka weynaha caalamiga ah ee Culummada Suufiyada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho uu muujinayo kaalinta muhiimka ah ay u leedahay caalamka iyo sida loogu sii kalsoonaanayo.

Guddoomiyaha oo booqday Xarunta Macalin Nuur ee Magaalada Muqdisho oo marti gelisay culumada ka qeyb galay shir weynaha 7aad ee Suufiyada Caalamka ayaa sheegay in ay laf dhabar u yihiin dadaallada dib u dhiska dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.

“Magaalada Muqdisho in ay marti geliso culimmo ka socota dhowr iyo toban dal waxa ay tilmaan u tahay hor u socodkeenna iyo sida ay inoo ka go’antaahy in aan soo ceshanno kaalinta iyo maqaaamka aan ka joognay magaalooyinka kale ee Caalamka.”

Guddoomiyaha Gobolka ayaa booqashada kaddib waxa uu xalay casho sharaf u sameeyey Guddiga qaban qaabada Shirka 7aad ee Suufiyada iyo dhammaan culummadii ka qeyb gashay, isagoona kula dar daarmay in ay dar dar geliyaan dadaallada ay ku bixinayaan iftiiminta khatarta xagjirnimada iyo sida ay u marin habaabeen argagixisada Alshabaab.

“Dadka Soomaaliyeed aad ayey ugu nugul yihiin culamu-diinkooda, sidaas darteed waxaan rabnaa in aad xoojisaan kaalinta aad ku leedihiin baahinta amniga iyo nabadeynta bulshada oo labaduba udub dhexaad u ah tilmaamaha shareecada Islaamka iyo waajibaadka ina saaran.”

Casho sharafta loo sameeyey culummada ka qeyb gashay shir weynaha Suufiyada waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dolwaha Madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Macalin Nuur, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo masuuliyiin kale oo heer Gobol iyo heer Federaal ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo

Xildhibaanada Soomaaliya ee ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya ee Urur...

Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Hodan ayaa u soo baxay wareegga kama...