Duqa Muqdisho oo Ankara kula kulmay Mas’uuliyiin dowlada turki

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga, ayaa kulamo la qaatay Xoghayaha guud ee dawladaha Hoose ee Turkiga iyo masuuliyiin kale.

Mudane Yarisow oo weheliyo Guddoomiye ku xigeenka Marwo Basma Caamir Ahmed, safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Danjire Jaamac Abdullahi Ceydiid iyo mas’uuliyiin kale ayaa kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha guud ee Dawladaha Hoose Turkiga, Mudane Hayrettin Gungor, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiye Yarisow ayaa la kulmay madax ka tirsan Hay’adda bisha Cas ee Turkiga iyo waaxda dhismaha jidadka u qaabilsan magaalada Ankara oo dhammaantood ay isla soo qaadeen horumarinta Muqdisho.

Guddoomiyaha oo wafdigiisa ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Maamulka, Ganacsato iyo howl-wadeennada Gobolka Benaadir, ayaa inta uu joogo Turkiga waxa uu xoogga saari doonaa, sidii ganacsatada dalkaas ay u maalgashan lahaayeen Gobolka Benaadir, xoojinta xiriirka Muqdisho ay la leedahay magaalooyinka dalkaas, dar dar gelinta arrimaha iskaashiga,tababarrada, tayeynta shaqaalaha Gobolka Benaadir iyo isdhaafsiga khibradaha maamul ee labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...