orodyahaanka cabdi bile cabdi oo casho sharaf muqdisho logu sameyay

Date:

Munaasabadaani casho sharaf ah oo lagu dhiira gelinayay halyey Cabdi Bille Cabdi ayaa xalay loogu qabtay magaalada Muqdisho,taasi oo ay ka qeyb galeen Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

Inta ay Munaasabada socotay ayaa lagu soo bandhigay Taariikhaha Dahabiga ah ee dalka u soo hooyay Cabdi Bille Cabdi,ayna tahay in taalo loo dhiso si ay ugu deydaan dhalinyarada soo koreysa.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Wasiirada ka qeyb galay Xaflada casho sharafta ayaa sheegay iney gacmo furan ku soo dhoweynayaan Cabdi Bille Cabdi,waxayna ku bogaadiyeen dadaalkii uu ku bixiyay sidii guulo taariikhi ah loogu gaarsiin lahaa dalka iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Halyey Cabdi Bele Cabdi oo isna ka hadlay Munaasbadda ayaa u mahadceliyay mus”uulinyinta casho sharafta u sameysay, sidoo kale wuxuu  sheegay soo dhoweynta uu kala kulmay Dowladda iyo shacabka ineysan  jirin waxa loo dhigo.

Ugu dambeynti,Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Mudane Cilmi Cumar Ceysane oo soo xeray Munaasabadda lagu soo dhoweynayay halyey Cabdi Bille Cabdi ayaa xusay in halyey Cabdi Bille Cabdi uu yahay wali shaqsi u taagan Horumarinta Dharinyarada kuna soo dhoweynayaan Magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...