Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulankaan la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii dowladda u sii dar dar gelin laheyd taageerada ay Baarlamaanka Soomaaliya siiso.

Sidoo kale kulanka waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiinta Hay’adda TIKA oo ah hay’adda dib u dhiska ku sameyneysa Xarunta ku meel gaarka ah  ah ee golaha shacabka.

Waxay aheyd 10-kii bishii Maarso ee sanadkan markii  heshiis ku saabsan dhismaha xarunta golaha shacabka ay kala saxiixdeen guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya,waxaana dhismaha xarunta uu socon doonaan mudo halsano ka yar.

Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay mar walba diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siineyso Soomaaliya.

Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa uga mahad celiyay dowlada turkiga iyo hay’adda TIKA sida ay mar walba u garab taaganyihiin golaha shacabka gaar ahaan dhismaha hada ay ku sameynayaan xarunta golaha shacabka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...