Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada-hadlay arrinta xuduudda labada Dal

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad ayaa kula kulmay Magaalada Nairobi shalay dhiggiisa dalka Kenya H.E. Amb. Monica Juma. Kulanka ayaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka iyo dhowr arrimood oo xaaladda gobolka iyo dunida si gaar ah xaaladihii ugu dambeeyay ee dhismaha derbiga laga dhisayo inta u dhexeysa Beled Xaawo iyo Mandheera iyo dadaallada joogtada ah ee loogu jiro sidii gebi ahaan loo joojin lahaa dhisiddiisa.

Labada Wasiir ayaa kulankooda uga wada dooday isfahamka dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ee joojinta dhisidda derbiga iyo unkidda guddi wasiiro oo wadaag ah, kuwaasi oo kulamadooda ugu horreeya uu ka dhici doono Mandheera.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Caalamiga ee Kenya H.E. Amb. Monica Juma  ayaa sidoo kale kawada hadlay  heshiisyadii hore ee labada dal ay  kala saxiixdeen oo la xiriiray ammaanka, ganacsiga, iskaashiga arrimaha bankiga iyo sidoo kale tababaridda howlwadeennada caafimaadka, kalkaaliyeyaasha iyo shaqaallaha rayidka ee Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...