Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay Sawaariikhdii lagu ridey Riyadh (Dhageyso)

Date:

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay ka hortagtay Gantaalo Jabhadaha Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen ay kusoo rideen magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga, hase ahaatee ciidamada Cirka ee dalka Sacuudiga ay ku guuleysteen iney ka hortagaan oo ay bur buriyaan Gantaalladaasi.

“Nimankii Xuutiyiinta ahaa ayaa waxey kusoo tuureen Todobo Gantaal magaalooyin kamid ah dalkaan Sacuudiga, Riyadh sadex-baa soo gaartay, Balse ciidamada Difaaca Cirka ee Sacuudiga waxaa u suuroowday in ay ka hortagaan Gantaaladaasi oo aaney ku dhicin meelihii ay ugu talo galeen nimanka Xuutiyiinta ah”ayuu yiri Ambasator Daahir Maxamuud Geelle.

“Dowladda Soomaaliya raggaasi aad iyo aad ayey u cambaareneysaa, waxeyna ku eedeeneysaa nimanka Xuutiyiinta ah oo gacanta ka helaya Iiraan oo aad ogtihiin in Soomaaliya ay xiriirka u jartay, Hadda Iiraaniyiintu culeys badan ayey ku hayaan Sacuudiga oo nimanka Xuutiyiinta ah maahan niman heli kara Tiknoolajiyaddaan Sawaariikhda isaga kala goosheysa intaasi oo KM,”ayuu yiri Mudane Daahir Maxamuud Geelle Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda Sacuudiga islamarkaana ay taageersantahay Isbaheysiga uu horkacayo Sacuudiga, sidaasi oo kalena Soomaaliya ay aqoonsan-tahay Dowladda Sharciga ah ee dalka Yemen.

180325_005

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...