Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo furay wadooyin mudo xirnaay

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo saakay dib u furay waddada hor-marta Xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in dib loo furo dhammaan waddooyinka kale ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda.

Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ogolaanshahooda ay wadadan ku fureen, si ay qeyb uga qaadato horumarka iyo bilicda Caasimadda, waxuna tilmaamay in tallaabadan ay xigi doonto furitaanka wadada hormarta xarunta Danbi baarista ee (C.I.D), taasoo muhiim u ah isku socodka magaalada.

“Tani waa bilow waxaan ku soconnaa in dhammaan waddooyinka xiran loo furo shacabka, si loogu fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda, intii amni looga maari waayo mooyee, sidaas daraadeed, shacabka waxaa laga rabaa in ay isku diyaariyaan dhismaha waddooyinka. Ciidanka Booliskana waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay nooga aqbaleen codsigeena una fureen waddadan.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Duqa Muqdisho waxuu sheegay in furitaanka waddooyinka ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan Amniga iyo horumarka Caasimadda, shacabka Soomaaliyeed na looga fadhiya in doorkooda ay ka qataan sidii ay magaalada Muqdisho ula tartami lahayd Caasimadaha kale ee adduunka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa baaq u diray Ganacsatada iyo Shacabka xirtay waddada dhinacyadeeda ee dhulka danta guud ah, isagoo xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cidii arrimahaas lagu helo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...