Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo furay wadooyin mudo xirnaay

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo saakay dib u furay waddada hor-marta Xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in dib loo furo dhammaan waddooyinka kale ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda.

Eng. Yarisow ayaa uga mahadceliyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ogolaanshahooda ay wadadan ku fureen, si ay qeyb uga qaadato horumarka iyo bilicda Caasimadda, waxuna tilmaamay in tallaabadan ay xigi doonto furitaanka wadada hormarta xarunta Danbi baarista ee (C.I.D), taasoo muhiim u ah isku socodka magaalada.

“Tani waa bilow waxaan ku soconnaa in dhammaan waddooyinka xiran loo furo shacabka, si loogu fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Caasimadda, intii amni looga maari waayo mooyee, sidaas daraadeed, shacabka waxaa laga rabaa in ay isku diyaariyaan dhismaha waddooyinka. Ciidanka Booliskana waxaan uga mahadcelinaynaa sida ay nooga aqbaleen codsigeena una fureen waddadan.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Duqa Muqdisho waxuu sheegay in furitaanka waddooyinka ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan Amniga iyo horumarka Caasimadda, shacabka Soomaaliyeed na looga fadhiya in doorkooda ay ka qataan sidii ay magaalada Muqdisho ula tartami lahayd Caasimadaha kale ee adduunka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa baaq u diray Ganacsatada iyo Shacabka xirtay waddada dhinacyadeeda ee dhulka danta guud ah, isagoo xusay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cidii arrimahaas lagu helo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...