Duqa Muqdisho oo shaqada ka joojiyey shaqaale cabiray dhul waddo ah

Date:

 Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa shaqada ka joojiyey Agaasimiha Waaxda Farsamada iyo farsamo yaqaanno ka tirsan waaxdaas oo si sharci darro ah dhul waddo ah ugu cabiray dad rayid ah.

Dhulkan oo ahaa waddo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka ee degmada Dharkiinleey, waxa ay laamaha baarista dhulka ee gobolka Benaadir ay soo xaqiijiyeen in si sharci darro ah ay dhulkan u soo cabireen shaqaalaha shaqada laga joojiyey.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa markii uu xilka la wareegey digreeto ku joojiyey dhismayaal dhulkan ah, iyadoona baaritaanka lagu ogaaday in Agaasimaha Waaxda Farsamada ee shaqada laga joojiyey iyo qaar ka mid ah shaqaalaha waxdaas ay soo gudbiyeen warbixin ay ku musuq maasuqayaan dhulkan.

Eng.Yariisow ayaa sheegay in sharciga la hor geyn doono qof kasta oo ku lug yeesha musuq maasuqa dhulka iyo bixinta ruqasadaha sharci darrada ah, taas oo asaas u ah qorsheyaasha Maamulka Gobolka ee ka dhanka ah musuq maasuqa.

“Waxaan kula dardaarmayaa bulshada Gobolka in ay hubiyaan dhulka loo cabirayo ama laga iibsanayo iyo sharciyada loo jarayo ka hor inta aysan maalgashan, si ay uga hortagaan ciqaab iyo ganaax ay ku muteysan karaan maalgashiga dhulka danta guud.”

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Maxkamadaha Garsoorka si deg deg ah loo herkeeno eedaysanayaashan, taas oo horseedaysa guula laga gaaro qorshaha Maamulka Gobolka Benaadir ee ka dhanka ah musuq maasuqa iyo eexda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New...

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...