Dowllada soomaaliya oo u soo bandhigtay Beesha Caalamka Qorsha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM lagala wareegayo amaanka dalka.

Date:

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomiye kulan dowladda Soomaaliya ay ugu soo bandhigeysay Beesha Caalamka Qorsha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM lagala wareegayo amaanka dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya,xubno matalayey Beesha Caalamka iyo madax ka socotay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana lagu sharaxay kulanka qorshaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay AMISOM ugala wareegayaan amaanka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh oo lahadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qorshahaan oo ay soo diyaarisay dowladda Soomaaliya la isla ogolaaday, islamarkaana Beesha Caalamka ay u arkeen qorshahaan mid ku yimid rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed oo ay mudantahay in la isla qaato.

“Muddo bil ku dhow waxaa  la diyaarinayey qorshaha ama marxaladii ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed  ay xilka amniga kula wareegi lahaayeen, waana markii ugu horeysay oo lasoo diyaariyo qorshe Anaga aan leenahay” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa intaasi ku daray in qorshahaan loo arkay mid muhiim ah islamarkaana iminka wixii ka dambeeya loo gudbi doono wixii farsamo ah.

“Dhamaan dadkii kasoo qeyb galay waxey u arkeen iney tahay muhiim wixii Soomaali ay leedahay in halkaan la keeno oo aan hogaaminno, waana la isla ogoladay” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in qorshahaan oo ay leedahay dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan in AMISOM lagala wareego amniga oo si buuxda ciidanka Qalabka sida ay masuuliyadda amni u maamulaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...

Wasiirka Kalluumeysiga oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Hoggaamiyaha Koongur Galbeed oo Daah furay Imtixaanaadka Dugsiga Dhexe ee Degaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...