Gudoomiyaha Aqalka Sare “si loo gaaro Midnimo dhab ah waa muhiim in la helo dib u heshiisiin dhab ah”

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa sheegay inay Soomaaliya tahay Qoys qura oo ayan sinnaba ku kala tegi karayn, balse uu dhaliilayo qaabka loo adeegsado mararka qaarkood.

Mr Xaashi oo ka hadlayay furitaanka kal fadhiga Saddexaad ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka digay in dano gaar ah lagu lifaaqo siyaasadda Soomaaliya, balse loo maro dhanka waddaniyadda.

Mar uu ka hadlayay midnimada Soomaaliya iyo wada hadalka Soomaaliland ayaa wuxuu soo jeediyay in daacad laga noqdo, maaddaama aan sinnaba lagu kala tegi karayn, wuxuuna codsaday in xubnaha ka qaybta ah wada xaajoodka aysan noqon Dad wata dan qabiil, mid gaar ah iyo mid dhaqaale , balse laga doonayo inay noqdaan Dad ay dhab ka tahay waddaniyad  Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka ayaa sheegay in si loo gaaro Midnimo dhab ah ay muhiim tahay in la helo dib u heshiisiin dhab ah, wuxuuna  intaa raaciyay in meelo Dalka ka mid ah ay ka jiraan colaado Siyaasadaysan, wuxuuna codsaday in loo guntado sidii loo xallin lahaa, taasoo ay hormuud ka yihiin Culimaa’udiinka, wax garadka Bulshada iyo Fannaaniinta Soomaaliyeed.

Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale ka hadlay inay dedaal dheeri ah lagu bixiyo sidii ay Dalka ugu qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda watigeeda, taasoo ay goobjoog ka noqonayaan Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.

Wada shaqaynta Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada ayuu ku tilmaamay Tiirarka ugu muhiimsan ee Qarannimada, wuxuuna sidoo kale sheegay inay muqaddas tahay ilaalinta madax bannaanida Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiye Cabdi Xaashi C/laahi ayaa ku celceliyay muhiimadda ay Bulshada Soomaaliyeed u leedahay dib u heshiisiinta iyo adkaynta midnimada Dalka, wuxuuna soo jeediyay in diiradda la saaro qaybsiga khayraadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Degmada Deyniile oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...