Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya.

Date:

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Devid Concar.

Kulan muddo saacado ah qaatay ayaa dhexmaray Kusimaha Raiisul Wasaarah dalka iyo Safiirka Dowladda Ingiriisa ee Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan iskashiga labada Dal SOomaaliya iyto Britain.

Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha ahnaR/wasaare  kuxigeen Mahdi Maxamed Gulleid (Khadar)ayaa sheegay in Ingiriisku Soomaaliya ka caawin doono dhinacyadada Dhaqaalaha, Amaanka iyo dimuqraadiyada.

”Waxaan maanta Xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska Uqaabilsan Soomaaliya Ambassador David Concar, waxaana ka wada hadalnay xidhiidhka labada dal. Dawladda Ingriiskuna waxay balan qaadeen in ay Soomaaliya Ka caawin doonto dhinacyada Dhaqaalaha, Amaanka iyo Dimuqraadiyadda-ba.” ayuu yidhi R/W xigeen Dalka.

Dowladda Britain ayaa kamid ah Dowladaha taageera Soomaaliya,waxaan Britain ay kaalin ku leedahay taageerada Ciidamada Qalabka Siad ee Soomaaliya iyo guud ahaan hay’adaha kaladuwan ee Dowladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...