Guddoomiyaha Aqalka sare oo soo bandhigey buug lagu magacaabo heybso dhaqankaada

Date:

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa Ardayda Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed u soo bandhigay Buug uu qoray oo uu ugu magacdaray Heybso dhaqankaada.

Goobta lagu soo bandhigayay Buuga Heybso dhaqankaada ee uu qoray Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ahaa Xildhibaano,Maamulka degmada Waabari,Aqoonyahano,saraakiil,odayaal dhaqameed,culimaa’uudiin iyo Ardayda wax ka barata xarumaha kala duwan ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu horeyn ayaa waxaa madasha ka hadlay Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka (National Theatre) Abwaan C/llaahi Cusmaan Guure,Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Prof: Maxamed Axmed Jimcaale waxa aynaย  sheegeen in Buugan wax badan laga kordhisan doono.

โ€œ Cabdi Xaashi waa nin wax bartay,wadani ah buugaana uu soo bandhigay inaan ka faaโ€™ideysano oo qofkastaa horay u sii qaato kadibna Jaamacadaha iyo Dugsiyada lagu dhigo, intaasi waan ku talineynaa haddii Alle kuu roonyahay oo buugaasi uu wada gaaro Ummadda Soomaaliyeed meel kasto oo ay wada joogaan,โ€sidaasi waxaa madasha ka sheegay Abwaan C/llaahi Cusmaan Guure.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof; Maxamed Axmed Jimcaale oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed loo aas aasay ay tahay toban qodob oo qodob ka mid ah uu sheegayo in Jaamacadda ay ka qeyb qaadato xoojinta iyo Horumarinta Afka Soomaaliga.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo madasha ka hadlay ayaa ku micneeyay sababta ku dhalisay inuu Buugaan qoro,wuxuuna carabka ku dhuftay ย inuu dareemay inuu sii lumayo dhaqanka iyo Afka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ugu baaqay Hayโ€™adaha Dowladda iney xafiisyadooda ka hirgeliyaan iskaa wax u qabso oo muhiim u ah horumarinta Hayโ€™adaha kala duwan ee Dowladda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...