Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay iney xoogga saari doonaan dhismaha iyo Tayeynta Ciidanka Cirka (Sawirro).

Date:

Munaasabad  loogu Dabaaldageyay Sanadguuradii 58-aad ee Ka soo Wareegtay Aas aaska Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka,islmarkaan ay ka qeyba galeen Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Qaarkamid ah Taliyaashii Hore ee CXD Saraakiil katirsan Cidamada Xoogga Dalka kuwa Booliksa ayaa Lagu Qabtay Xarunta Cirka ee Maqaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Waxa ay Salaan Sharaf ka qaateen Cutubyo katirsan Cirka ee Xoogga Dalka.

Ugu horeyn ayaa waxaa Munaasabadda ka hadlay Taliyaha Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamuud Sheikh Cali (Dable-Beyloot), wuxuuna ku dheereeday ka sheekeynta Taariikhda ay leeyihiin Ciidanka cirka iyo marxaladihii kala duwanaa ay soo mareen.

Wuxuu sheegay Taliyaha in marxalado kala duwan uu soo maray Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka,islamarkaana uu saameyn ku yeeshay bur burkii dalka soo maray,isagoo hadalkiisa intaasi raaciyay in Ciidanka Cirka hadda uu marayo meel wanaagsan oo u baahan in horay looga sii dhaqaajiyo.

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamuud Sheikh Cali Dable-beylood ayaa ugu baaqay madaxda Qaran iney waqti u huraan sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa Ciidanka Cirka.

Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorad Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ka Hadley Munsabada ayaa Hambalyo U direy Dhamaan Ciidanka Cirka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod ayaa u mahad celiyay Taliyaha Ciidanka Cirka iyo kuwii ka horeeyay oo uu ku amaanay iney meel wanaagsan soo gaarsiiyeen Ciidanka cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay Generaal Gorod,in ciidanka Cirka saameyn uu ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee dalka Soo maray,islamarkaana waqti iyo waayo fiican uu soo maray hadana uu joogo meel laga sii dhaqaajin karo.

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh C/raxmaan Musrsal oo gaba gabadii munaasabadda Ka Hadley ayaa Muujiyay in Dowladda ay Xooga Saari Doonto Dhismaha iyo tayeynta  Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh C/raxmaan Mursal ayaa sheegay iney u istaagayaan sidii dib u dhis xooggan ugu sameyn lahaayeen Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Ciidanka Cirka ee xoogga dalka.

Sidoo kale,Wasiirka Gaashaandhiga ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sanadguurada xigta la gaari doono iyadoo sida hadda laga qurux badan yahay.

Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaa la aas aasay bishii February 15,sanadkii 196Okii,waxaana hadda laga joogaa 58-sano.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Qoysas Khawaarijta ka barakicisay Sabiid iyo Caanoole oo dib-u-dejin loo sameeyey

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahal Teleefanka ah la yeeshay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Furay Kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u heshiisiinta ee Xukuumadda...