Wasiirka Ganacsiga Xukumada Federalka Soomaaliya oo kulan la qaatey safiirka Imaaraadka Carabta

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya mudane Mahamed Abdi Xayir Mareeye, ayaa xarunta Safaaradda Imaaraadka Carabta ay ku leedahay magaalada Muqdisho kula kulmay Danjiraha dalkaasi u fadhiya Soomaaliya  Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi.

Mudane Maareeyee ayaa  Dawladda imaaraadka uga mahadceliyey taageerada dhinac walba leh ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee xagga bani’adamnimada iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Imaaraadaka ee WAM oo aan warkan ka helnay kulankasi dhex maray Wasiirka iyo safiirka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada wadan xiriirkaas oo dhinacyo badan leh

Warku wuxuu intaa ku darayaa in labada mas’uul ay isla falanqeeyeen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka Ganacsiga ee ka dhexeeya labada wadan iyo qodobo kale.

Dhinac kale Danjiraha Dawlada Imaaraadka u fadhiya magaalada Muqdisho mudane Mohammed Ahmed Osman Al Hammadi ayaa u hambalyeey wasiirka Ganacsiga Soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Maareeye xilka cusub ee loo magacaabay oo ah  Wasiirka wasaradda  Ganacsiga iyo Warshadaha oo uu ku tilmaamay Wasaarad muhiim ah.

Ugu danbeyntii Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa kulankaasi ka muujiyay sida ay wasaaradiisu u danaynayso ka faa’ideysiga khibradda iyo waaya aragnimada xagga  Ganacsiga ee Imaaraadka Carabta iyo sidii ay gacan kaga gaysan lahaayeen horumarinta iyo kobcinta Ganacsiga Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...