Ergayga Hey’ada UNHCR u qaabilsan Soomaaliya oo dowlada K/Afrika kala hadlay arimaha qaxootiga Soomaalida ku nool dalkaasi

Date:

Ergayga gaarka ah ee hey’ada qaxootiga aduunka u qaabilsan qaxootiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo socdaal ku joogay dalka South Africa ayaa sheegay in shirar kala duwan oo uu la yeeshay dowlada dalka Koonfur Afrika uu kala hadlay arimaha qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalkeeda iyo dhibaatooyinka ka heysta dhinac yada sharciyada iyo ammaanka.

Ambassador Maxamed Cabdi Afey waxaa uu sheegay in magaalada Cape Town uu kula kulmay Wasiirka arimaha gudaha dowlada Koonfur Afrika ugu horeyn uu kaga mahad celiyay Soo dhaweynta ay u sameeyeen qaxootiga Soomaalida ee kusoo cararay dalkooda xiliyadii adkaa, waxaana uu kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa  sharciyada la siiyo qaxootiga iyo dhibaatooyinka ay la kulmayaan dhinac yada ammniga taas oo wasiirada ay sheegtay in ay ku howlan tahay wax ka qabashada arimahaasi.

Waxaa sido kale uu la kulmay laamaha hey’ada qaxootiga UNHCR uga wakiilka ah wadamada Koonfureed ee qaarada Afrika uuna kala hadlay arimo dhowr ah  u quseeya qaxootiga Soomaalida ee ku nool wadamada Dhaca Koonfurta qaarada Afrika,waxaana kulmadaasi sido kale ka qeybgalay safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika ambasaddor Jamaal Maxamed Barrow.

In ka badan 60,000 oo qaxooti Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin wadamada Koonfurta Afrika ,30,000 oo ka mid ah qaxootigaasi oo diiwaan gashan iyo tiro kale oo aan diiwaan gashaneen waxaa marti galisay Dowlada Koonfur Afrika kuwaa oo maanta lagu ammaano in ay yihiin qaxooti la yimid hal abuuro ganacsi oo ay ka faa’iideysteen dadka saboolka ah ee ku nool deegaanada tuulooyinka ah iyo magaalooyinka dalkaan, iyo fursado shaqo oo ay u sameeyeen dadka soogalootiga ah iyo kuwa Koonfur Afrikaanka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...