Godoomiyaha Gobalka Banaadir oo Gudi u saarey habkii loga saarey Barakacyaasha Daganaa km13

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddi baaritaan u saaray kiiska dad barakacayaal ah oo dhammaadkii sanadkii tagey xoog looga saaray dhul ay deganaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa faray Guddiga uu magacaabay in baaritaan deg deg ah oo hufnaan iyo daah furnaanba leh ay ku sameeyaan habkii looga saaray dhul ku yaalla deegaanka KM 13 dadkii barakacayaasha ahaa ee daganaa.

Guddoomiye Yarisow waxa uu sheegay in magacaabista Guddigan ay salka ku heyso cabashooyin is-daba joog ah oo ay Gobolka u soo gudbiyeen dadkii barakacayaasha ahaa, iyagoona tilmaamay in lagula-kacay xad-gudub iyo gabood fal.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’antahay maamulkiisa wax ka qabashada xad gudubyada ka dhanka ah dadka nugul, iyadoona xoogga la saari doono sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyo sharciga.

“Ma qaadan karno in dhagaha aan ka fureysanno tabashooyinka ay qabaan dadka barakacyaasha ah. Maamul ahaan waxaa naga go’an in aan dhidibada u taagno hannaan ku saleysan ilaalinta sharciga iyo xuquuqda muwaadinka. Si taas loo gaarana waa in aan tixgelinnaa dhammaan tabashooyinka ay qabaan bulshada ku dhaqan Gobolka.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddiga loo xil-saaray arrinkan ayaa ka kooban shan xubnood waxaana hoggaamineysa Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Marwo Basma Caamir Axmed, iyadoona xubnaha kale ay kala yihiin, Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi, Zakiya Axmed Xuseen, Mahad Xuseen Axmed iyo Drs Hodan C/laahi Cali oo ka kala tirsan Hay’adaha xuquuqul Insaanka, Maamulka Gobolka iyo bulshada rayidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...