Siihayaha Wasiirka Warfaafinta oo tababar u soo xiray 50 Saxafi..

Date:

Mudane C/raxman Iidaan Yoonis oo ah siihayaha Wasiirka Warfaafinta DHaqanka iyo Dalxiisaka ahna Wasiir kuxigeenka ayaa magaalada Muqdisaho tababar ugu soo xirey ilaa 50 Saxafi oo ka kala socday Warbaahinta Dowladda Soomaaliya iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.

Tababarkani oo socday muddo 3 maalmood ah ayaa lagu baranayay casharo la xiriira tayaynt sare u aqaadist aqoonta Wariyenimo gaar ahaan wararka ku saabsan arrimaha taagan,kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta.

Munaasabadda xiritaanka waxaa goob joog ka ahaa maamulka Wasaaradda,ma’uuliyiinta ururka Nusoj iyo marti Sharaf kale,iyadoo casharadu ay bixinayeen xubno ka tirsan Ururka Nusoj.

‘’Waxaa sharaf ii ah inaan maanta in kabadan 50 saxafi oo ka kala kooban saxafada Dawladda iyo kuwa madaxa Bannaan oo ka kala yimid Dawlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir ugu soo xiro Tababar socday mudo sadex maalmood xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska tababarkan oo ku saabsana warka iyo arimaha taagan’’. Ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Iidaan.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta ayaa kula dardaarmay wariyaashii tababarkaasi qaatay in ay uga faa’ideeyaan bulshadooda waxyaabihii ay barteen,warar iyo macluumaad waxtar lehna ay u gudbiyaan shacabka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...