Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo kulan la qaatay Danjiraha QM ee Soomaaliya

Date:

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaakulan la qaatey Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Michael Keating waxa ayna ka wada hadleen sidii xal waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo Xarunta Dawladda Hoose kula kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in maamulka gobolka Benaadir ay ka go’an tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka ku xeeran nolasha barakacayaasha.

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay in dhawaan guddi loo saari doona la socodka iyo wax ka qabashada caqabadaha barakacayaasha ku dhaqan degmooyinka Gobolka Benaadir, iyadoona maamulka Gobolka uu arrinkan iskaashi dhow kala yeelan doono Hay’adaha caalamiga ah.

“Danjire Keating waxaan ku adkeeyey in xal waara loo raadiyo dadka ku dhibaateysan xeryaha barakacayaasha, anaguna maamul ahaan waxaan qaadeynaa tallaabo kasta oo aan ku xaqiijin karno sidii aan kor ugu qaadi laheyn adeegyada asaasiga ah ee Gobolka iyo xaqiijinta ila dhaqaale oo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada.”

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Keating waxa uu xusay in markasta ay ku garab taaganyihiin maamulka Gobolka xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolosha barakacayaasha iyo sidii loo yegleeli lahaa qorshe wada jir ah oo ay iska kaashanaayaan Hay’adaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Benaadir.

Kulankan waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha, ku xigeennadiisa Arrimaha Bulshada Basma Caamir Axmed, Arrimaha maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Howlaha Guud Mudane Aadan Sheekh Cali Fiidow iyo Xog-hayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...