Shirka Amniga Qaranka oo lagu wado in maanta uu ka furmaya magallada Muqdisho

Date:

Shirka Amniga Qaranka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho,kaasi oo u dhexeeya madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada loogana hadlidoona arrimo badan,sida u xaqiijiyay agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta ee Xafiiska Madaxweynaha JFS Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed.

Shirka waa shir sadexdii biloodba mar la qabto, waxaa looga hadlaa Xaaladda guud ee Amniga dalka, wixii qabsoomay mudada labada shir u dhaxaysa iyo wixii aan qabsoomin, waxaana ka qaybgala Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Raiisul Wasaaraha Xukuumadda, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoonka Gobolka Banaadir, Wasiirrada Caddaaladda, Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Gaashaandhigga, Amniga, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo hoggaanka kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Muddada uu socdo kulamada shirkan waxaa dib u eegid lagu sameeyaa xaaladda amniga dalka iyo Ciidanka Xoogga, iyadoona la gorfeeyo qorshaha sadexda bilood ee soo socota iyo arrimaha xoogga la saarayo.

Shirka Amniga Qaranka waa madasha kaliya ee haatan ay si joogta ah ugu kulmaan Madaxda Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, waxa uuna leeyahay guddiyo hoosaad iyo xeer anshax.

Shirkan caadi ahaan waxa uu socdaa muddo 2 ilaa 3 malmood ah Waxaana guddoomiya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah Taliyaha Guud Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Waxaa uu ka mid yahay Shirkan qorsheyaashii ugu horreeyey ee uu saxiixo Madaxweyne Farmaajo maadama uu ka farcamay heshiiskii amni ee 17dii  April, 2017 ay wada galeen Xukuumadda, Madaxda Dowladda Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...