Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo Itoobiya shir kaga qeyb-galaya…

Date:

Magaalada Addis-Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu wada in maalinta beritu ah uu ka furmo shir u dhexeeya Wasiirada Arrimaha dibadda ee Urur Goboleedka IGAD,kaasi oo horudhac u ah shir madaxeedka madaxda wadamadaasi oo dhamaadka bishan ka furmaya halkaasi.

Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya shirkaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo isagu gaaray magaaladaasi Addis-Ababa.

Wasiir XAmed Ciise Cawad wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeeshey madax kaladuwan,waxaana kamid ah Wasiiradda Arrimaha Dibadda Norway Ms. Ine Marie Eriksen Søreide, kadib casha sharaf ay ku casuuntay Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD.

Waxaa looga hdalay Kulankaasi xoojinta xiriirka u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Norway,iyo sidii dowladda  Norway u sii xoojin lahayd taageeradeeda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Axmed Ciise Cawad waxaa uu la kulmay Dhigiisa Dalka ethopia Dr. Workneh Gebeyehu,Amb. Ahmed Awad iyo Dr. Workneh Gebeyehu waxa ay si qotodheer u fallanqeeyeen arrimaha ammaanka, ganacsiga , maalgashiga iyo suuragalnimada xiriir furan oo u dhexeeya labada Dal Soomaaliya iyo Itoobiya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...