Shirka ka faa’iideysiga qayraadka Dalka oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho (Sawirro)

Date:

Waxaa Magaaladan Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir weyne Qaran oo looga hadlayay siyaasadda sugnaanta cuntada iyo horumarinta Beeraha Dalka Soomaaliya.

Shirkan oo socday muddo Saddex Cisho ayaa si weyn looga dooday sidii laysaga kaashan lahaa horumarinta Beeraha , la dagaalanka farqiga, sare u qaadidda ka faa’iideysiga qeybraadka beeraha xoolaha iyo kaluumeeysiga Dalka.

Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo waraabka xukumadda soomaaliya Siciid Xuseen Ciid, ayaa ka sheekeeyay taariikhda dhul beereedka Soomaaliya iyo sida ugu habboon ee looga faa’iidaysan karo, wuxuuna dardaaran xooggan usoo jeediyay maamullada Dalka inay dardar geliyaan qodobbada heshiiska ku aaddan xoojinta wax soo saarka iyo la dagaallanka faqriga.

Qaar ka mid ah Wasiirrada beeraha ee maamullada Dalka ayaa iyaguna ballan qaaday dhankooda inay samayn doonaan wacyi gelin dhinaca bulshada ah, isla markaana ay qaadi doonaan tallaabooyin wax ku ool ah, si loo gaaro isku filnaansho xagga dagalla iyo wax soo saarka Beeraha ah.

Wakiillo ka socda hay’adda cunnada Adduunka ee FAO iyo samafalayaasha caalamiga oo qayb ka ahaa kulanka ayaa iyana dhankooda waxay sheegeen inay door muhiim ah ka ciyaari doonaan taakulaynta beeralayda Soomaaliyeed iyo dhiirri gelinta muruq maalka.

Gabagadii shirka ayay halkaasi ku kala saaxiixdeen hishiis wasaarada Beeraha xukumada Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada Dalka, kaasoo ku saabsanaa , sare u qaadidda ka faa’iideysiga qeyraadka Beeraha xoolaha iyo kaluunka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay xuska 15 guurada dib u curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Muqdisho Kulan kula Qaatay Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Beijing Kaga Hadlay Horumarinta iyo Casriyeynta Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...