Qaar kamid ah dhaawacyadii loo qaaday Turkiga oo Muqdisho lagu soo celiyay (sawirro)

Date:

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi ayaa markii saddexaad dalkaasi ka soo sagootisay 9-ruux oo ka mid ah dhaawacyadii la geeyay Ankara ee ku dhaawacmay Qaraxii 14tii October ka dhacay Muqdisho,kuwaasi oo hadda xaaladooda caafimaad soo hagaagtay.

9-ka ruux oo xalay Garoonka diyaaradaha magaalada Akara ay ka sagootiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Turkiga, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo Ardayda wax ka barata dalka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa waqti badan gelisay xaaladda Bukaanada iyo ka warqabkooda iyadoo gacan wanaagsan ka heleysay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga oo habeen iyo maalin u soo jeeday sidii dadka walaalahood ee Qaraxa ku soo dhaawacmay loo caawin lahaa.

Waxaana howshaan dhexda u xirtay habeen iyo maalina kor taagnaa bukaanadaas xoghayaha labaad ee safaaradda C/qaadir Maxamed Barqadle  iyo Suleymaan Maxamed Kaarshe oo runtii muujiyay dowrkii loo baahnaa ee kaga aadanaa safaaradda Soomaaliya e dalka turkiga.

Sidoo kale, caawinta dadka Bukaanada ah waxaa gacan lama ilaawaan ah ka geystay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo muujiyay door wanaagsan oo Soomaalinimo ku saleysan.

Dhaawacyadani waxaa ka mid ahaa Mumtaz Hassan Ali oo ahayd lix jir oo la geeyay dalka Turkiga ku jirtay Xaalad koomo ah, waxaana dib loo soo celiyay iyadoo oo ay wehliso Hooyadeed oo  farxad ka muuqato waliba caafimaad qabta Alle mahadii.

Magacyada dhaawacyadii soo bogsooday waxaa ka mid ahaa:-

  1. Hussein Hassan Ahmed.
  2. Samira Sheikh Mohamed.
  3. Adam Muse Hassan.
  4. Alas Elmi Qobey.
  5. Mumtaz Hassan Ali.
  6. Abdalla Omar Mayew.
  7. Bille Adan Farah.
  8. Said Abdi Jeele.
  9. Ali Diriye Farah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...