Munaasabad looga hadlayay horumarinta Afka hooyo oo maanta lagu qabtay Muqdisho (sawirro)

Date:

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay gudoomiyaha Akadeemiyada, Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, maareeyaha golaha murtida iyo madadaalada, golaha abwaannada, qoraayaal dhallinyaro ah, aqoonyahanno, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Munaasabadaasi waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ay halkaasi ka jeediyeen dhallinyaro  Soomaaliyeed, taas oo ku qotontay baahida loo qabo horumarinta  Afkeenna hooyo, waxeyna ujeeddada xafladaasi aheyd sidii loo heli lahaa goobo wax akhris oo laga hirgeliyo dalka.

Gudoomiyaha Akadeemiyada, CIlmiga, Fanka, iyo Suugaanta Soomaaliyeed, C/qaadir Nuur Xuseen “Maax” oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Akadeemiyadu ay dhiirigelineyso dadka hammiga u leh horumarinta Afkeenna hooyo, isagoo soo dhaweeyay helitaanka goobo wax akhris oo laga hirgeliyo dalka oo dhan, wuxuuna dhallinyarada naadiga Akhriska iyo qorista Banaadir ugu deeqay boqol buugaag ah oo la dhigo xarumaha akhriska ee la qorsheynayo in laga hir geliyo qeybo ka mid ah gobollada dalka

Maareeyaha golaha Muqrida iyo madadaalada Abwaan Cabdi Dhuux ayaa wax wanaagsan ku tilmaamay in maanta ay soo baxaan dhallinyaro Soomaaliyeed oo  u istaagtay horumarinta Afkeenna hooyo isagoo intaasi raaciyay in isaga iyo golaha abwaaniinta Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin taageero dhinac kasta ah.

Xoghayaha Naadiga Akhriska iyo Qorista Banaadir, Khadar Cabdi C/llaahi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in naadigu qorsheynayo sidii loo furi lahaa goobo wax akhris oo laga hirgeliyo Muqdisho iyo gobollo kale oo dalka ah, isagoo ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka siiyaan arrintaasi.

Si kastaba ha ahaatee arrintani ayaa qeyb kaha qorshaha ay akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed ay ku dhiirrigelineyso dhallinyarada hammiga u leh horumarinta Afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...